Madaxweyne Farmaajo ka hadlay geerida Maguful madaxweynihii Tansaaniya.

by admin | Thursday, Mar 18, 2021 | 325 views

Madaxweynaha Mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku mitid madaxweynihii dalka Tansaaniya John Pombe Magufuli oo xalay xanuun dhanka wadnaha ah ugu geeriyooday magaaladda Daaru Salaam ee caasimadda dalkaasi.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uu si gaar ah ugu tacsiyaynayo Madaxweyne Kuxigeenka dalkaasi Marwo Suluhu Samia iyo Marwadii uu ka geeriyooday Madaxweynuhu Marwo Janet Magufuli sida ay daabacday warbaahinta Dowladda.
“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Dawladda iyo qaranka Soomaaliyeed, waxaan jeclahay inaan tacsi tiiraanyo leh u diro Jamhuuriyadda Midoobey ee Tanzania geeridii ku timid Madaxweyne John Magufuli” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Tweetter-ka.
Madaxweynihii Tanzaaniya John Pombe Magufuli ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Daarusalaam.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Taanzaaniya Samia Suluhu Hassan ayaa xaqiijisay geerida madaxweynaha xilli ay tabin toos ah warbaahinta qaranka dalkaasi uga jirtay.
Madaxweyne ku xigeenka waxay sheegtay Mr Magafuli inuu wadna xanuun u dhintay Arbacada saacaddu markay ahayd 6-dii makhribnimo.
Waxayna intaa ku dartay inuu madaxweynaha ku geeriyooday isbitaalka Mzena ee ku yaalla caasimadda ganacsida ee Darusalaam, isaga oo xaalad caafimaad darro ee isbitaalka loo dhigay ay haysatay 10-kii sano ee ugu dambeeyey.
Madaxweynaha ayaa xanuunsaday 14-kii March kaddibna waxaa la dhigay isbitaalka uu haatan ku geeriyooday iyada oo ay da’diisuna ahayd 61 jir.
Taariikhda John Magufuli
Wuxuu ku dhashay Chato, waqooyi-galbeed Tanzania, sanadkii 1959
Wuxuu kimistariga iyo xisaabaadka ka bartay Jaamacadda Dar es Salaam
Wuxuu soo noqday macallin dhiga kimistariga iyo xisaabta
Markii ugu horreysay waxaa xildhibaannimo loo doortay sanadkii 1995
Wuxuu golaha wasiirrada ka mid noqday sanadkii 2000
Waxaa markii ugu horreysay madaxweyne loo doortay sanadkii 2015
Mar kale ayuu madaxweyne noqday sanadkii 2020
Mucaaradka ayaa arrintaas u arkay xorriyad ka qaadid maaddaama ay ka mid ahayd hababka yar ee ay ula xisaabtami kareen dowladda. Waxay qorsheeyeen dibadbaxyo ka dhan ah mamnuuciddaas, balse dowladda ayaa ku jawaabtay inay mamnuucdo dhammaan dibadbaxyada.
Tusaale kale oo kaas la mid ah wuxuu ahaa sida uu Magufuli uga jawaabay hees sanadkii 2017 uu soo qaaday fannaan caan ah oo Tanzania u dhashay laguna magacaabo Nay wa Mitego. Wax ka yar maalin markii la baahiyay heestaas, Mitego booliiska ayaa xiray.
Waxaa lagu eedeeyay inuu caayay madaxweynaha oo uu ku aflagaaddeeyay dowladda heestiisa oo ay erayadeeda ka mid yihiin:

Like it? Share it!

Leave A Response