Madaxweyne Mustafe Cagjar ” Siyaasiyiintu marna ma midoobayaan tan iyo qiyaamaha intay siyaasadi jirto”

by admin | Thursday, May 13, 2021 | 264 views

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo shacabka magaalada Jigjiga kula ciiday garoonka kubadda cagta ee Jigjiga ayaa hadalo kooban ka jeediyay goobtii salaadda lagu oogayay.

Haddaba Madaxweyne Mustafe ayaa marka hore muslimiinta ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul fitriga. sidoo kale dadka reer Filistiin ayuu u duceeyay inuu Ilaahay dhibka haysta ka qaado.

Madaxweynaha ayaa sheegay in fagaarahan uusan ahayn mid siyaasad lagaga hadlayo, oo siyaasaddu ay meelo kale leedahay, sidoo kale Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay midnimo, isagoo xusay inay siyaasiyiintu aysan midoobayn tan iyo intay jirto siyaasaddu.

Ugu dambayn Madaxwayne Mustafe ayaa u duceeyay Ciidamada gaarka ah ee degaanka, kuwaas oo u taagan difaacidda dhulkooga hooyo, iyo sidoo kale Barakacayaasha iyo dadka baahan ee meel kasta daadsan.

Hadalada Madaxwaynaha ayaa u badnaa duco, taas oo aad usoo jiidatay shacabkii kasoo qayb galay salaaddii ciidda ee maanta.

Like it? Share it!

Leave A Response