Madaxweyne Qoor Qoor”Waxaan isku wadayaa siyaasiyiinta Galmudug mucaarad iyo Muxaafid”

by admin | Thursday, Mar 26, 2020 | 519 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in inta badan siyaasiyintii kasoo horjeedey doorashadii ka dahcdey magaalada Dhuusamareeb kulamo dhacay kadib ay wada heshiiyeen.

Waxaa uu sheegay in Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee dhaliilsanaa howlaha ka socda Galmudug ay isku tanaasuleen,isla markaana xilligaan wixii ka dambeeya ay u jiheysanayaan dhismaha Galmudug Cusub.

“Aniga weli waxaan diyaar u ahay inaan wada-hadal wax walbo ku dhameeyo,halkaan waxaa jooga siyaasiyiin na diidanaa balse waan wada hadalney waana heshiiney,kuwa naga maqan duruufo ayaa jira waana imaan doonaa ayuu yiri”Madaxweyne Qoor Qoor.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Madaxweynaha Galmudug in uu weli diyaar u yahay in uu la wada-hadalo cid kasta oo kasoo horjeeda Mamaulka uu Madaxda ka yahay si loo helo Galmudug leh hrumar iyo amni.

Like it? Share it!

Leave A Response