Maurizio Sarri Oo Lagu Wado In Uu Seexdo Xarunta Tababarka Ee Chelsea Marka Uu Bedelo Antonio Conte

by admin | Monday, Jun 25, 2018 | 1114 views

Maurizio Sarri waxa uu qorsheenayaa in uu seexdo xarunta tababarka ee Chelsea marka uu kooxda ku so biiro.

Leyliyihii hore ee Napoli waxaa la qabaa in uu 24-ka saac ee ugu soo horreeya ku biiro kooxda ka dhisan galbeedka London.

Tababaraha shaqada badan waxa uu xarun ka dhigan doonaa Cobham oo ah goobta taabarka ee Blues si uu isugu dayo qorsheynta dib u dhiska kooxda kahor inta aysan soo laaban 9-ka Luulyo-  ciyaarta u horreysa waxa ay dheeli doonaan 23-ka Luulyo.

Blues waxa ay dooneysaa in ay dhaq dhaqaaq suuqa ka sameeyso walow aysan wali waxba bilaabin.

Advertisement

Daafaca Juventus – Daniele Rugani oo la soo shaqeeyey Sarri muddo laba ol’ol ah markii ay ku sugnaayeen Empoli ayaa lagu wadaa in uu noqdo saxiixii kowaad ee Blues.

Rugani waxa uu ku kici doonaa £25m.

Inter Milan waxa ay u sheegtay Chelsea in ay dooneyso Davide Zappacosta in lagu daro heshiis kasta oo ay ku rabto saxiixa Matias Vecino.

Wali Blues uma helin dhaqaale ay mag dhaw u siiso Antonio Conte oo soo gunaanadaya qandaraaska uu ku jiro.

Like it? Share it!

Leave A Response