Maxamed Nuur oo lagu soo oogay inuu ula kac u dilay Haweeney Cadaan ah

by admin | Wednesday, Mar 21, 2018 | 1068 views

Maxamed Nuur oo ahaa Sarkaal Boolis ah kana mid ahaa Ciidanka Booliska Magaalada Minneapolis ayaa Talaadadii shalay lagu soo oogay inuu ula kac u dilay Justine Damond oo aheyd Haweeney u dhalatay dalka Australia, nin ay saaxiibo ahaayeena kula nooleyd Magaalada Minneapolis.

Sarkaalkan Soomaaliga ah ayaa toogasho ku dilay Haweenaydan Caddaanka aheyd 15-kii July sanadkii hore 2017-kii, xilligaasi wixii ka dambeeyay waxaa socday Dacwadaha la xiriira falkan.

Xeer Ilaaliyaha degmada ay ku taallo Magaalada Minneapolis oo warbaahinta la hadlay ayaa soo bandhigay eedeymo rasmi ah oo uu u jeediyay Maxamed Nuur, oo kala ah dilalka Darajada Saddexaad iyo Darajada Labaad, oo hadii lagu helo sarkaalkan ay ka dhalan karto keeni karto xabsi aad u dheer.

Looyarada difaacaya Maxamed Nuur ayaa aad u beeniyay arrintan, waxayna ku doodayaan in Xeer ilaaliyaha waxyaabaha uu sheegay aanay waxba ka jirin, oo ay yihiin kuwa la isku soo dhoobay.

Xariga Maxamed Nuur ayaa waxaa si aad ah u  hadal haya Soomaalida ku nool dalka Mareykanka waxayna dalbanayaan in sida saxda ah cadaalad loogu raadiyo sarkaalkan, oo aanay dhicin eexasho.

22-kii July 2017-kii Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Minneapolis ayaa isku casishay dilkii uu geystay Sarkaalkan Soomaaliga ah, kadib markii ay lagu eedeeyay inysan si deg deg ah wax uga qaban dhacdadaasi dalkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response