MAXKAMADDA YURUB OO AMARTAY DIB U EEGISTA QARASHKA KU BAXA AMISOM

by admin | Wednesday, Sep 19, 2018 | 896 views

Maxkamadda daba gasha Dhaqalaha Midowga Yurub ku bixiyo howlgallada amaanka ee Afrika ayaa sheegtay in dhaqaalahaasi uusan macno badan ka sameyn Qaaradda Afrika.

Warbixin dheer oo ay Maxkamadda ka diyaarisay howglalka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in qarashka Midowga Yurub u bixiyo amaanka Qaaradda Afrika uu 80% ku boxo AMISOM,islamarkaana aanay muuqan natiijo wanaagsan oo laga gaaray howlgalka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in 720 Milyan oo Yuuroo ay sanadkasta ku baxdo howlgallada amaanka ee Afrika,lacagtaas oo laga qaado Midowga Yurub,wax bandanna aan ka tarin qaaradda amaankeeda.

Waxaa kale oo Warbixinta lagu sheegay in tan iyo markii uu biloowday Howlgalka AMISOM  2007dii ilaa maanta ay ku baxday 1 Bilyan oo Yuuroo.

Maxkamadda oo uu fadhigeedu yahay Luxembourg, waxaa ay aragtay qandaraas ku kacayay  €102.5Milyan oo Yuuroo socdayna 2014 ilaa 2016 kaas oo aan wax badan oo horumar ah laga sameyn lacagna ku baxday.

55ka Dale e xubnaha ka ah Midowga Afrika kala bar ka mid ah ayaa bixiya miisaaniyadda Ururka ,halka 54% oo u dhiganta €395 Milyan oo Yuuroo ay bixiyaan deeq bixiyayaasha  Caalamiga ah.

2016kii Xubnaha Ururka Midowga Afrika ayaa sameeyay sanduuqa dhaqaale oo amaanka Afrika ah,waxaana la isku raacay in dhamaan waxyaabaha laga soo dhoofiyo Caalamka eela keeno Afrika la saaro canshuur dhan 0.2%, laakiin waxaa arrintaas dhaqan geliyay 14 dal oo ka mid ah 55 ka dale e ku heshiiyay.

Iyada oo dhaqaalaha faraha badan ku boxo howlgalka Afrika ee Soomaaliya haddana waddamada Uganda iyo Kenya ayaa dhowr jeer ku hanjabay in ay ciidankooda kala baxayaan Soomaaliya kaddib markii Midowga Yurub uu dhimay 20% qarashka ku baxa AMISOM,taas oo saameysay howlgalka.

Maxkamadda ayaa soo jeedisay in dib u eegis lagu sameeyo  lacagaha ku baxaha howlgallada nabadda iyo amaanka ee Afrika lana dhimo qarashka faraha badan ee ku baxaya.

Like it? Share it!

Leave A Response