Musuqa Soomaaliya halkee ayuu gaarsiisan yahay?

by admin | Wednesday, Dec 9, 2020 | 423 views

Maanta Dunida waxaa laga maamuusayaa maalinta loo goonida yeelay la dagaalanka Musuqa ama wax is dabamarinta, waxaana la soo bandhigaa dalalka ugu badan ee xatooyada ka dhaceen & kuwa meel wanaagsan ka gaaray kahortagga.

Musuqa waa qorshaha wax loo bixiyo oo si kale loo maamulo ama la geliyo gacan aan ahayn tan loogu talagalay, inta badan waxa uu ka dhacaa Hay’adaha, Dowladaha & meelaha dadka wax loo mariyo.

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal adag ay la galeyso wax ka qabashada Musuqa, balse marar kala duwan ayaa lasoo calaamadeeyay kiisas wax is daba-marin ah oo ay ku dhaqaaqeen mas’uuliyiin.

Bishii April oo Gacanta Dowladda Federaalka ay soo gashay kaalmo loo qorsheeyay Xannuunka Covid-19 waxaa la xiray howlwadeenno ka shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka, kadib markii wax is daba-marin lagu eedeeyay.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa 4-tii April 2020 xabsiga dhigay Agaasimiha Maamulka iyo Maaliyada Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo loo heysto Musuq-maasuq Lacagta COVID-19.

Halka 6-da April 2020 la xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumdda Soomaaliya Cabdullaahi Xaashi Cali oo uu galay raadka Musuqa la sheegay in uu ka dhacay Wasaaradda Caafimaadka.

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa 7-dii September 2020 fadhi uu Shir Guddoomiyay Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo waqtigaas ahaa sii haya Xilka Ra’iisul Wasaaraha ayaa meelmariyay 9-xubnood oo wasaaradda caddaaladdu ay u soo xushay in ay kamid noqdaan guddiga madaxa bannaan ee la dagaallanka Musuqa.

Qoraal kasoo baxay Golaha ayaa waxaa lagu sheegay in Xubnaha guddiga lagu soo xulay aqoon, waayo-aragnimo, karti, hufnaan iyo amaano ayna kala yihiin:

1- Maxamed Cabdikariim Ibraahim

2- Avv. Cabdiweli Axmed Cumar

3- Dr. Xasan Khaliif Xasan

4- Avv. Maxamed Xuseen Xaamud

5- Avv. Saciido Maxamed Xaashi

6- Amiin Axmed Sh. Cabdiraxmaan

7- Cabdullaahi Sh. Abuukar

8- Khadar Axmed Diiriye

9- Saamiya Siciid Xuseen

Golaha Shacabka ayaa 16-ka September 2020 kulanooda 6-aad kalfadhiga 8-aad ku ansixiyay Cod aqlabiyad leh Guddiga la dagaalanka Musuqa ee kasoo gudbay Xukuumadda Xil-gaarsiinta kahor inta aan lagu dhawaaqin Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dhanka kale, INTERSOS, oo ah hay’ad samafal oo ay maalgelin ka hesha Qaramada Midoobay isla markaana daryeel caafimaad & adeegyo kaleba u fidisa boqolaal kun oo Soomaali ah, ayaa 9-kii November 2020 ku dhawaaqday in ay ka baxaysa dalka Sabab la xiriirta Musuq badan oo hareeyay xafiisyadeeda Soomaaliya.

Wareysi uu bixiyay  Agaasimaha Guud ee INTERSOS, Kostas Moschochoritis waxa uu ku yiri “waa go’aan adag” oo la gaarey kadib “dood weyn” oo la yeeshay NGO-ga. “Waxaan ogaanay in aan hagaajin karin,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray inuu “runtii ka murugooday Xatooyo lagu sameeyay Xoollo dadweynaha loogu talagalay”.

Hay’adaha Dabagala Musuqa waxa ay ka digeen in xiliga kala guurka Soomaalida u taqaan ee lagu soo afjarayo Muddo xileedka Dowladda looguna diyaar-garoobayo dhismaha Maamul Cusub in wax is daba-marin la sameeyo.

Sababta xiligaas farta loogu fiiqay ayaa ah in nidaamka 4-sano joogay uu baxanayo, halka uu imaanayo maamul cusub ayna dhici karto in shaqsiyaadka ku xeelka dheer wax isdaba-marinta in ay ka faaiideystaan.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo loo xiray eedo la xariira Musuq.

Golaha Wasiirada oo meelmariyay 9 Xubnood oo ku biiraya guddiga la-dagaallanka Musuq-maasuqa!

NGO Talyaani ah oo Soomaaliya uga baxay sababo la xiriira Xatooyo xoollo dadweyne!

Like it? Share it!

Leave A Response