Shil Khasaaro geystay oo ka dhacay degaan ka tirsan Puntland

by admin | Wednesday, Dec 9, 2020 | 484 views

Shilkan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay Magaalada Qardho ee Xarunta gobolka ay puntland u taqaano Karkaar, waxaana kasoo baxaya shilkaas faah faahino kala duwan.

Shilka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen Gaari nooca loo yaqaano Leyla Calaawi iyo Mooto Bajaaj, waxaana goobjoogayaal sheegeen in dhaawac culus uu soo gaaray Haweeneey saarneyd Mooto Bajaajta iyo Darawalkii Mootada, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Magaalada Qardho.

Sidoo kale Goobjoogayaasha waxaa ay sheegeen in wadihii Gaariga Leyla Calaawiga ah uu goobta ka baxsaday, hayeeshee Ciidamada Amniga Magaalada Qardho ay ku raadjoogaan.

Qaar kamid ah dadka ku nool Magaalada Qardho ayaa u gurmaday dadka ay waxyeelada kasoo gaartay shilka Gaari, waxaana Gaarigii iyo Mootadii isku dhacay goobta ka qaaday Ciidamada Booliska Magaalada Qardho.

Shilalka Gaadiid ayaa bilihii la soo dhaafay waxa ay ku bateen degaannada Puntland, waxaana sanadkaan shilalkii ugu badnaa ay ka dhaceen wadada xiriirisa Magaalooyinka Garoowe & Boosaaso.

Like it? Share it!

Leave A Response