Muxuu Midowga Afrika ka yiri codsigii DF ee ka dhanka ahaa ergeyga cusub?{AKHRISO}

by admin | Tuesday, May 11, 2021 | 309 views

Ururka Midowga Afrika ayaa diiday codsi ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ku dooneysay in la bedelo oo dib loo dhigo ergeyga sarre ee uu ururka usoo diray inuu dhex-dhexaadiyo dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, sida ay ogaatay warbaahinta .
Dowladda Soomaaliya ayaa warqad ay u dirtay ururka ku dalbatay in la beddelo Madaxweynihii hore ee Ghana, John Mahama oo dhawaan usoo magacaabay guddoomiyaha guddiha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayada oo ku eedeysay inuusan dhex-dhexaad ka noqon karin arrimaha Soomaaliya.
Dowladda ayaa sababta ku sheegtay in John Mahama uu dano ganacsi ku leeyahay dalka Kenya, oo xiisad ay kala dhaxeyso dowladda federaalka, islamarkaana danahaas ganacsi dartood ay ergeyga saameyn ku yeelan karto dowladda Kenya oo xiisad ay kala dhaxeyso madaxweyne Farmaajo, inkastoo dhowaan xiriirka diblomaasiyadeed ee laba dal lasoo celiyey.
Dowladda ayaa sidoo kale codsatay in bedelidda ergeyga ka sokow, sidoo kale dib loo dhigo in ergey ka socda ururka uu yimaado Muqdisho, ayada oo ku dooday in fursad la siiyo wada-hadallada ra’iisul wasaare Rooble la gelayo madaxda dowladda goboleedyada, ayna suurta-gal tahay in lagu heshiiyo oo aan ergey loo baahan.

Hase yeeshee ururka ayaa ku gacan seeray codsiga dowladda federaalka ah, kuna adkeystay in John Mahama uu dhowaan iman doono Muqdisho.
Ilo diblomaasiyadeed oo ururka ku dhow ayaa laga soo xigtay in Ururka Midowga Afrika uu u sheegay madaxda dowladda in soo dirista iyo magacaabista ergeygan aan markii horeba lagala tashan dowladda, ee ay isku soo raaceen dalalka Midowga Afrika, sidaas darteedna aysan dowladda saameyn ku yeelan karin howshiisa.
Waxay intaas ku dareen in arrintan loo arkay isku day ay madaxtooyada Soomaaliya ku fashilineyso dadaallada dhex-dhexaadinata Midowga Afrika.
Midowga Afrika ayaa wajahaya cadaadisyo dhowr ah oo ku aadan is-diidooyinka siyaasadeed ee Soomaaliya oo uu dhawaan ku dhawaaqay dhex-dhexaadintooda, xili ay degtay xiisadii ka dhalatay dagaalkii Muqdisho.
Midowga Afrika ayaa maalmo ka hor qaaday tallaabo deg-deg ah oo ay mid kamid ah diblomaasiyiinta ugu saraysa kooxda dhex-dhexaadinta Soomaaliya uga saarayaan xubnaha ay magacaabeyn kadib markii ay sidaas codsadeen Midowga Musharixiinta.
sidoo kale warbaahinta ayaa ogaatay in Midowga Afrika uu tallaabadaas qaaday kadib cadaadis uga yimid xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo dacwad ay gudbiyeen xubnaha Midowga Musharixiinta oo si toos ah usoo dhaweeyey ergeyga loo soo magacaabay dhex-dhexaadinta balse walaac ka muujiyey in Babatunde Taiwo uu kamid ah noqdo la taliyeyaasha madaxa dhex-dhexaadinta.
Babatunde Taiwo ayaa ah madaxa qeybta Arrimaha Siyaasada ee AMISOM, waxayna midowga musharixiinta ku eedeeyen inuu la shaqeeyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Like it? Share it!

Leave A Response