Puntland oo Amar dul-dhigtay shirkadaha Isgaarsiinta {AKHRISO}

by admin | Sunday, Apr 4, 2021 | 327 views

Maamulka Puntland ayaa shirkadaha Isgaarsiinta deegaannada maamulkaas ku amray in la hakiyo doollarka danabaysan ee taleefannada, isla markaana lagu beddelo shilinka Soomaaliga oo danabaysan.

Amarkan oo ka soo baxay Guddiga Xallinta Dhibaatada Sicir-bararka Puntland waxaa looga golleeyahay in wax laga qabto sicir-bararka, sida ay Guddiga sheegeen.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu soo saaray go’aamo dhowr oo ka kooban Saddex qodob, kuwaas oo kala ah.

In muddo xadidan la haklyo adeegsiga lacagta Dollarka danabeysan ee kahooseysa USs 1.00, bedelkeeda na in Shirkadaha Isgaarsiinta lyo Baankiyaduay danabeyaan Sh.So. u dhigma jajabka USS 0.99 yo whdl ka hooseya, ciddi ugabaahata, sidaasna lagu helo lacag danabeysan (Mobile Money Transfer) oo labadaba ah.
Waxaa la isla gartey in Shirkadaha Isigaarsiinta ee ka howgala magalooyinka
Puntland ee deriska la ah meelaha ay Shirkadaha kale ee uu tartanku ka dhexeyo ay USS-ka danabeysan sidoodi hore u wataan.

Shirkadaha waxa laga doonaya In nadaamkan ay ku hirgeliyaan muddo 5 cisho
gudahood ah oo ka bilaabanta 03/Bisha Abrlil/2021. Shirkaduhu waa; Golls

Group (GOLIs), Dahabshil Group (SOMTEL), AMAL Group (AMTEL), Daryeel

Bank, lyo SOM Bank. Waxa na jiraya guddi si gaar ah ula soconaya hirgelinta barnamijkan muhim ka ah.

Like it? Share it!

Leave A Response