Puntland oo sheegtay inay dishay Madixii howlgallada ee Kooxda Daacish

by admin | Friday, Jan 13, 2023 | 156 views

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay dileen madaxii hawlgallada Daacish ee gobolka Bari oo lagu magacaabi jiray Abu-Albara Al Amani kadib dagaal ka dhacay degaano katirsan Gobolka Bari.

Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Abu-Albara lagu dilay weerar ay habeen hore kooxda Daacish ku soo qaaday saldhiga degmada Balidhidiin ee gobolka Bari.

Sidoo kale Warka kasoo baxay Booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Abu Albara Al uu ka soo jeedo gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, isla markaana Itoobiyaan badan uu ku khasbay in ay ku biiraan kooxda Daacish ee ka dagaalanta degaannada Puntland.

Laamaha Amniga dowlad Goboleedka Puntland ayaa horay u dilay Madixii hawlgallada Daacish Abuu Waliid Al-muhaajir kadib dhaawac kasoo gaaray hawlgal ay ciidamada amniga Puntland ka fuliyeen agagaarka buuraleyda Calmiskaad, balse Abu Albara loo magacaabay madaxa hawlgallada Daacish Bishii July ee sanadkii 2021.

Habeen ka hor ayaa Xubno katirsan Kooxda Daacish waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Booliska Puntland ku leeyihiin degmada Balidhidin ee Gobolka Bari, waxaana weerarkaas ku dhintay ha askarihalka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Like it? Share it!

Leave A Response