Xeer Ilaaliyaha Maraykanka oo magcaabay qareen baaris ku sameeya Joe Biden

by admin | Friday, Jan 13, 2023 | 210 views

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka Merrick Garland ayaa Khamiistii wuxuu magcaabay sarkaal baaris ku sameeya ‘sida ay waraaqo sir ah oo dawladdu leedahay loogu kaydiyey’ xafiiskii hore ee madaxweyne Joe Biden uu ku lahaa Washington iyo weliba xafiiskiisa kale ee ku yaalla gobolka Delaware ee uu ka soo jeedo.

Xeer ilaaliyaha guud oo ah sarkaalka ugu sarreeya ee qaabilsan fulinta sharciga Maraykanka, ayaa u magcaabay dacwad-ooge Robert Hur, oo hore u ahaan jiray dacwad oogaha dawladda dhexe ee gobolka Maryland, inuu hoggaamiyo baadhitaanka lagu samaynayo waraaqaha sirta ah ee la helay.

Go’aanka xeer ilaaliyaha guud ayaa daba socday, isaga oo hore qareen gaar ah oo lagu magcaabo Jack Smith u magcaabay inuu baadhitaan kan la mid ah ku sameeyo madaxweynihii hore ee Donald Trump.

Donald Trump ayaa hore ugu guuldaraystay inuu xafiiska diiwaanka qaranka dib ugu soo celiyo waraaqo sir ahaa oo xasaasi ahaa, sida uu dhigayo sharciga Maraykanku, ka dib markii uu xilka ka tegey, hase ahaatee waraaqahaas ayaa markii dambe waxay FBI-du ka soo qaadeen gurigiisa raaxada ee ku yaalla gobolka Florida.

Like it? Share it!

Leave A Response