Qaramada midoobay kulan ka leh nidaamka maaliyadda Soomaaliya & Ilaha dhaqaale Al Shabaab.

by admin | Thursday, Oct 15, 2020 | 432 views

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 15-ka October, 2020 oo ku beegan maalinta oo Khamiis ah waxaa u qorsheysan shir xasaasi ah kaasoo ay ka yeelanayaan warbixin laga gudbiyey Soomaaliya.

Warbixinta oo ay diyaariyeen lix khuburo fadhigoodu yahay caasimadda Kenya ee Nairobi, waajibaadkooduna yahay dabagalka dhacdooyinka Soomaaliya ayaa ku saabsan Nidaamka maaliyada Soomaaliya iyo dhaqaalaha ay Al Shabaab helaan.

Wadamada xubinta ka ah Golaha Ammaanka oo ah hay’adda ugu sareysa Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa lagu waddaa in ay kulankooda kadib qoraal ay ku caddeynayaan mowqifkooda maaliyadda ee Soomaaliya.

Wargeyska New York Times oo faafiyey nuqul kamid ah warbixintaas ayaa sheegay in ay Al Shabaab ay heshay hab cusub oo ay malaayiin Doolar-ka Mareykanka kaga samayso gudaha Soomaaliya.

Sidda ku xusan warbixinta, Al-Shabaab ayaa cunaqatabeynta caalamiga ah waxay kaga badbaadey in ay maalgelin ku sameysatay ganacsiyo maxali ah, hanti ma guurto ah iyo la macaamilka bangiyadda gudaha.

Warbixinta ay diyaariyeen xubaha fadhigoodu yahay Nairobi ayaa lagu sheegay in mudadii u dhaxeysay December, 2019 illaa August, 2020 ay uruursatay $13 milyan oo Doolar Al Shabaab gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose.

Meelaha dakhligan ka yimid, sidda ku cad qormadda waa $2.4 milyan oo ka soo xarootay jid-gooyooyinka Jubooyinka iyo $5.8 milyan oo kaga timid ganacsi ay canshuureen kana soo degtay dekada Kismaayo.

Qaylo-dhaanta kasoo yeertay Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa timid xilli waddanka uu doorasho u dareerayo isla markaana ay jirto cabsi ah in Al-Shabaab ay ku yeelato murashax, iyaddoo adeegsaneysa awoodeeda dhaqaale sida lagu soo xigtay dadka indh-indheeya siyaasadda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response