Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

by admin | Saturday, Jul 22, 2023 | 187 views

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa goordhaw ka dhacay laamiga dheer ee degmada Dayniile ,gaar ahaan agagaarka xerada ciidanka milatariga degan yihiin ee lagu magacaabo Bangalo.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa haleelay gaari la sheegay in uu lahaa sargaal katirsan maamulka degmada Dayniile , waxaana xilliga qaraxa uu dhacayay la sheegay in sargaalka uusan gaariga la socon.

Inta la xaqiijiyay labo nin oo la socotay gaariga uu qaraxa haleelay ayaa ku dhaawacmay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo katirsan dowladda oo halkaasi baaritaano ka wada.

Qaraxyada miino ee lala eegto ciidanka dowladda iyo saraakiisha laamaha ammaanka ayaa maalmahan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyo dhowr ah oo dhacay maalmihii lasoo dhaafay ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Like it? Share it!

Leave A Response