Laftagareen oo isku shaandheyn ballaaran ku sameeyay Golihiisa Wasiirada

by admin | Saturday, Jul 22, 2023 | 183 views

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta wareegto cusub soo saaray ayaa magacaabis iyo isku shaandheyn ballaaran ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, taas oo saameysay xubno badan.

Laftagareen ayaa wareegtadan ku magacaabay illaa 15 xubnood oo isugu jiro wasiiro, wasiir dowle iyo wasiir ku xigeeno cusub.

Sababta uu is beddalkan u sameeyay madaxweynaha ayaa lagu sheegay inay la xiriirto dadar-gelinta howlaha Koonfur Galgeed iyo aqoonta ay leeyihiin xubnaha la magacaabay.

Wasiirada la magacaabay ayaa ka ah:-

1-Ibraahim Aadan Cali (Najax) waxaa loo magacaabay wasiirka cadaaladda iyo garsoorka maamulka Koonfur Galbeed,

2-Xasan Cabduqaadir Maxamed ayaa isna loo magacaabay wasiirka amniga Koonfur Galbeed

3-Nasra Aweys Sheekh Xuseen ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka.

4-Mustaf Axmed Iidow ayaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare.

5-Isaaq Cali Subag ayaa loo magacaabay wasiirka baaraha iyo waraabka maamulka Koonfur Galbeed.

6-Cali Sheekh Cabdullaahi (Cali Afgooye) ayaa loo magacaabay wasiirka dekadaha iyo gaadiidka.

7-Maxamed Isaaq Ibraahim ayaa loo magacaabay wasiirka macdanta iyo batrolka Koonfur Galbeed.

8-Saciid Axmed Cali ayaa loo magacaabay wasiirka dastuurka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

9-Cabdifitaax Maxamed Cali (Abroone) ayaa loo magacaabay wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka badda.

10-Eng. Diini Cabdinuur Maxamed ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka bay’ada iyo isbeddalka cimilada

11-Nuur Siidow Baaba ayaa loo magacaabay wasiirka diinta iyo awqaafka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Wasiir Dowle.

1-Dr. Maxmed Ibraahim Nuur ayaa waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Wasiir ku xigeenno

1-Maxamed Xuseen Xasan (Cadaawe) ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka.

2-Maxamed Qays Xasan Maxamed ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha

3-Cumar Daa’uud Khaliif ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo batroolka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Like it? Share it!

Leave A Response