Sarkaal Ka Tirsanaa Dowlada Hoose Ee Degmada Jowhar Oo Qarax Miino Lagu Diley

by admin | Saturday, Jul 22, 2023 | 148 views

Sarkaalkaan ka tirsan dowlada hoose ee degmada Jowhar Daahir Maxamed Kaanti ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax miino oo ka dhacay suuqa xoolaha ee magaalada Jowhar.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan ay sidoo kale ku dhaawacmeen askar ka mid ah ciidamada dowlada. Qaraxan oo aan si rasmi ah loo shaacin waxa uu ka dhashay ayaa wararka qaar ay sheegayaan inuu ahaa nooca dhulka lagu aaso.

Waxaa qaraxan uu dhacay xilli uu si aad u mashquulsanaa suuqa xoolaha ee magaalada Jowhar halkaas oo maalinta Sabtida xoolo faro badan la keeno.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Jowhar iyadoo baaritaano ay ka sameeyeen goobta uu qaraxu ka dhacay

 

Like it? Share it!

Leave A Response