Qodobada looga hadli doono Kulanka Maanta ee Aqalka Sare{Akhriso:-}

by admin | Wednesday, Apr 10, 2019 | 867 views

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaco ah inay yeeshaan Kulankoodii caadiga ahaa kaas oo ah  kulanka 1aad kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomin doona guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, iyada oo Magalada Dooxa ee dalka Qatar uu ku maqan yahay Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo qaar ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare.

Ajendayaasha muhiimka ah ee Aqalka Sare horyaalla oo ay ka doodi doonaan ayaa waxaa ka mid ah Sharciga xaqsiinta Ciidamada iyo hindise Sharciyeedka mihnadlayaasha Caafimaadka.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa horay u meel mariyeen hindise sharciyeedyo ay horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Like it? Share it!

Leave A Response