Rag xirnaa dharka Booliska Kenya oo dhac ka geystay Mandheera

by admin | Sunday, Dec 9, 2018 | 1033 views

Koox Burcad ah ayaa weerar ku qaaday kaalin shidaal oo ku taalla Magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Kooxda oo watay Dharka Booliska Kenya tiradooduna gaareysay todobo qof ayaa xiray labo ka mid ah ilaalada Kaalin Shidaal oo ku taalla Mandheera,waxaana ay qaateen lacag dhan 700,000 oo lacagta Kenya ah.

Waxaa ay toogteen mid ka mid ah ilaalada Kaalinta shidaalka ee Takbiir,waxaana ay isaga baxsadeen goobtaas.

Eziekiel Singo, oo ah Taliyaha Booliska Bariga Mandheera ayaa sheegay in Ragga dilka iyo dhaca geystay ay wateen Dharka Booliska  Dalka Kenya baaritaanna ay wadaan.

Qofka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Dakane Abdille Abdi,waxaa sidoo kale qofka 2aad uu ahaa Salaad Cismaan Jeelle

Like it? Share it!

Leave A Response