Ra’iisul Wasaare Rooble oo sameeyay Guddiga Amniga doorashooyinka

by admin | Monday, Jun 21, 2021 | 301 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sameeyay Qorshaha Amniga Doorashada, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona sugida amniga doorashada.
Guddiga ayaa waxaa uu ka kooban yahay Taliyeyaasha Booliska Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska AMISOM, waxayna dhammaantood ku shaqeyn doonaan awaamiirta Ra’iisul Wasaaraha.

Xubnaha Guddiga Amni ayaa waxaa ay qorsheynayaan oo ay hagayaan hannaanka amniga doorashada, iyaga oo sidoo kale dejinayaa qorshaha amniga Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.
Inta badan Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka ayaa waxaa la geyn doonaa Ciidamo Boolis ah oo ka kala socda dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad Goboleedyada iyo Booliska AMISOM.

Like it? Share it!

Leave A Response