Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo geeriyooday & mas’uuliyiin ka hadlay

by admin | Sunday, Jul 12, 2020 | 405 views

Alle ha u Naxaristee waxaa dalka Turkiga ku geeriyooday Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax, kaas oo la sheegay in uu maalmahaan xanuunsanaa.

Marxuumka ayaa xilka Ra’isul Wasaare waxaa uu soo noqday intii u dhaxeysay 12-kii Bishii November ee sanadkii 2001 ilaa 2003-dii,xilligaas oo uu madaxweyne dalka ka ahaa Cabduqaadis Salaad Xasan.

Sidoo kale waxaa uu soo noqday gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho,waxaana la sheegay in Gudaha dalkaasi turkiga ay u qaaday dowladda Soomaaliya,isla markaana uu u dhintay Cudurka kansarka.

Col, Xassan Abshir ayaa kamid ahaa asaasayaashii Puntland, wuxuuna sidaas oo kale ka mid noqday golihii wasiiradda ee u horeeyey ee uu dhisay Madaxweynihii xiligaas ee Puntland Cabdullaahi Yuusuf oo isaguna horey u geeriyooday.

Waa mas’uulkii labaad oo muddo 24 saacadood Gudahood ah la soo sheego geeridiisa,kuwaasi oo kamid ahaa Aas’aasayaasha Dowlad Goboleedka Puntland,waxaana ka tacsiyadeeyay madax ka tirsan dowladda Federaalka & Maamulka Puntland.

Like it? Share it!

Leave A Response