Real Madrid Oo Diyaarsatay Tababarihii Beddeli Lahaa Lopetegui, Saddex Arrimood Oo Ay Iskaga Mid Yihiin Zinedine Zidane Iyo Caddaymo Lasoo Bandhigay

by admin | Thursday, Oct 18, 2018 | 1030 views

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa xayndaabkeeda kusoo dhoweynaysa tababarihii shaqada ka beddeli lahaa macallinkeeda cadaadiska badan saaran yahay ee Julen Lopetegui oo la filayo in la caydhiyo haddii kulamada soo socda uu guul gaadhi waayo.

Sida uu qoray wargeyska Telemadrid, Real Madrid ayaa xidhiidh dhow la leh Michael Laudrup oo isagu isku soo bandhigay Los Blancos in loo dhiibo xilka haddiiba uu tago Lopetegui.

Michael Laudrup ayaa waxa uu maamulka kooxda ugu soo dhowaaday si la mid ah sidii Zidane iyo Perez iskugu xidhnaayeen ka hor intii aan shaqada laga eryin Rafa Benitez bishii January ee 2016.

Ma jiro war kale oo caddaynaya in Laudrup uu dalbaday shaqada Madrid oo aan ahayn wargeyska Telemadrid, hase yeeshee wakiilkiisa ayaa xagaagii beeniyey in ninkan reer France uu xidhiidh la leeyahay Los Blancos.

Laudrup waxa uu aqoon fiican u leeyahay sidii Zidane oo kale, kooxda Real Madrid oo uu usoo ciyaaray, hase yeeshee waxa uu dheer yahay in sidoo kale uu waqti waayihiisii ciyaareed ka mid ah kusoo qaatay Barcelona.

Khibradda tababare ee Laudrup

Shaqadiisii ugu horreysay ee tababarenimo waxay usoo baxday sannadkii 2007 markii uu madaxweynaha Getafe Angel Torres usoo bandhigay Laudrup inuu kooxdaas la wareego. Markii uu ka tegay Spain, waxa uu u safray dalka Ruushka oo uu maamule ka noqday Partak Moscow ka ka hor intii aanu 2010 la wareegin Mallorca. Sannadkii 2012 waxa uu u guuray waddanka Ingiriiska oo uu tababare ka noqday Swansea oo uu la joogay illaa 2014. Markii uu Swansea ka tegay waxa uu u safray Qatar oo uu layliyey kooxda Lekhwiya SC oo uu uga sii gudbay Al-Rayyan.

Maxay wadaagaan Zidane

Tababarihii hore ee Real Madrid, Zinedine Zidane iyo Michael Laudrup waxay kasoo wada jeedaan dalka France oo ay xulkana usoo ciyaareen inkasta oo ay kala waqti dambeeyeen, waana arrinta koowaad ee ay wadaagaan.

Michael Laudrup iyo Zinedine Zidane waxay labadooduba usoo ciyaareen Real Madrid oo inkasta oo aanay isku soo gaadhin haddana ay taariikhd ugu diiwaangashan yihiin.

Qodobka saddexaad ee ay wadagaan waa sida ay ugu dhowaadeen madaxweyne Florentino Perez ka hor inta aan shaqada laga eryin ninka ay rajaynayaan inay booska kala baxaan. Mid kale oo afraad ayaa lagu tilmaami karaa in waqtiga ay shaqada qabsanayaan oo ah xili ciyaareedka oo badhtanka maraya.

 

Like it? Share it!

Leave A Response