Roobab Ka Da’ay Muqdisho Oo Saameeyey Dadka Barakacayaasha

by admin | Sunday, Aug 12, 2018 | 1232 views

Xalay illaa saakay waxaa magaalada Muqdisho ka da’ay roob, kaasi oo saameyn ku yeeshay dadka barakacayaasha ah ee ku nool kaamamka magaalada ku yaalla.

Roobabkan ayaa sidoo kale waxa ay biyo dhigeen waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay jareen qaar ka mid ah waddooyin muhiim u ahaa isku socodka gaadiidka.

Qaar oo ka mid ah horjoogayaasha kaamamka  ku yaalla  muqdisho  ayaa warbaahinta waxay u sheegeen   in roobabkii xalay ay burburiyeen guryo ay deganaayeen dadka barakacayaasha ah.

 

Dhanka kale,  horjoogayaasha kaamamka  ku yaalla  muqdisho   ugu baaqday maamulka degmada Kaxda, gobolka Banaadir iyo hay’adaha samofalka in gurmad degdeg ah lasoo gaaraan dadkaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response