Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda oo lagu dilay duleedka Jowhar

by admin | Saturday, Oct 12, 2019 | 587 views

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen Ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo maarayay gobolka Shabeellaha dhexe.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaan u dhexeeya Xawaadleey iyo Jowhar oo qiyaastii 9km dhanka koonfur kaga beegan Magaalada Jowhar.

Saddex Sarkaal oo sar sare oo uu ka mid yahay talihii ilaalada Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle ayaa la xaqiijiyay in ay ka mid yihiin dadka ku dhintay weerarkaasi.

Ciidankaan ayaa doonaayay in ay weeraraan goobo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab laakiin goob aysan ka fileyn ayaa waxaa kasoo baxay Al-Shabaab sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeelle.

Al-Shabaab ayaa sare u qaaday bilihii ugu dambeeyay weerarada Jidgalka ah ee ay ku qaadayaan Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeelle ee ku safra Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Like it? Share it!

Leave A Response