Saraakiisha ciidamada isku dhafka amniga Baladweyne oo sheegay in howlgal ay fuliyeen ciidamada lagu soo qa qabtay dad fara badan islamarkana hadda baaritaan lagu wado

by admin | Saturday, Jul 21, 2018 | 974 views

Ciidamada Xasilinta Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa gacanta kusoo dhigay dhalinyaro lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen dilkii xalay Magaalada Beledweyne loogu geystay Cabdi Cali Gareen oo ka mid ahaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada.

Ciidamada ayaa bilaabay howlgallo ka dib dilka, waxaana la sheegay in ugu dambeyntii in ay soo qabteen dad falkaasi lagu tuhmaayo.

Dadka ay soo qabteen Ciidamada Ammaanka ayaa hadda waxaa ku socota baaris, waxaana ay ku xiran yihiin xabsiga dhexe ee Magaalada Beledweyne.

Carab Yuusuf Nuur oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada xasilinta Beledweyne ayaa sheegay in ay wali ay waddaan howlgallo, islamarkaana ay ku daba jiraan dad lagu eedeeyay sidoo kale in ay ka dambeeyeen dilka.

Cabdi Cali Gareen ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka sidda weyn looga yaqaano Beledweyne, waxaana uu ahaa nin ganacsade ah.

Like it? Share it!

Leave A Response