Sarkaal ka tirsan Puntland oo la baxsaday gaari iyo Hub

by admin | Tuesday, Jul 24, 2018 | 818 views

Sarkaalkan ayaa ka mid ahaa ilaalada Madaxtooyada maamulka Puntland, waxaana 22-kii bishan July uu gaadiid, Hub iyo lacag kala baxsaday Madaxtooyada Puntland.

Sarkaalkan oo magaciisa lagu soo koobay C/fataax Yamani wuxuuna ahaa Taliyihii Ciidamada rugta laanta socotada Madaxtooyada Puntland, isaga oo aad ugu dhawaa Madaxweyne C/wali Gaas.

Ninkan ayaa qaatay gaari nuuciisa uu ahaa Land Cruiser, hub gaaraya ilaa Lix qori, Shan Bastooladood iyo lacag fara badan, waxana uu u baxsaday degaanka Bali Busle oo Koonfur Bari kaga beegan magalada Gaalkacyo.

Odayaasha degaanka Bali Busle oo arrintan markii ay soo gaartay galay ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan gaariga, kadib markii ay si qasab ah uga qaadeen rag ganacsato ah oo sheegay in 40 Kun oo Dollar laga siiyay gaarigaasi.

Odayaasha ayaa gaarigan geeyay magaalada Gaalkacyo gaar ahan Madaxtooyada, ilaa hadda lama hayo Taliyihii baxsadka ahaa meel uu jaan iyo cirib dhigay.

Gaarigan aya lagu soo dhaweyn jiray martida u timaada madaxda Puntland, wuxuuna ka mid aha ku dhawaad 60 gaari oo Imaaraadka Carabta uu horey ugu deeqay mamulka Puntland.

Like it? Share it!

Leave A Response