shir madaxeedkii NCC oo fashilmay ka markii…

by admin | Saturday, Apr 20, 2024 | 28 views

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay dib u dhigtay shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo horay loo qorsheeyay inuu Muqdisho ka furmo maanta Sabtida ah , kadib markii ay ka laabteen shirka madaxda maamul goboleedyada.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu xaqiijiyay baaqashada shir madaxeedka, iyadoo lagu sheegay arrimo farsamo, waxaana lagu dhawaaqay inuu dib u dhacay muddo kooban.

Sida aan Wararka ku heleyno go’aanka dib u dhaca ku yimid shirka ayaa ah mid si toos ah uga dhashay khilaaf siyaasadeed oo cusub oo saameyn weyn ku yeeshay madaxda labada dowlad goboleed, kuwaasi oo horey ula safnaa dowladda Federaalka.
Shirkan ayaa la filayaa in looga hadlo dadaallada ka dhanka ah argagixisada iyo dhameystirka dastuurka dalka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in maamul-goboleedka Puntland ay horay uga gaabsadeen ka qayb-galka shirkaas, iyagoo ku sababeeyay inaysan aqoonsanayn dowladda federaalka. Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa ku nuux-nuux saday in Puntland ay ka wadahadli doonto arrimaha dastuurka oo kaliya hadii dowladda Federaalka ay raacdo nidaamka sharciga ah.

Like it? Share it!

Leave A Response