Shirka Ururka Jaamacadda Carabta oo ka furmaya Dammaam

by admin | Sunday, Apr 15, 2018 | 917 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay gaaray Magaalada Dammaam ee dalka Sucuudiga ayaa lagu waddaa in uu maanta Khudbad ka jeediyo Shirka 29aad ee Madaxda waddamada ku mideysan ururka Jaamacadda Carabta.

Shirkan waxaa diirradda lagu saarayaa qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

Waxaa lagu waddaa in uu Khudbadiisa diiradda ku saaro horumaradii ugu dambeeyay ee ay sameysay dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta shirkan uu socdo waxa uu shir-doceedyo la yeelan doona Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya, iyagoona ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo danaha guud ee kala dhexeeya dalalkaas Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa uu kusoo beegmay xilli ay xoogeysatay Xiisadda u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo sidoo kale dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana lagu waddaa in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Imaaraadka ay arintaasi ka hadlaan.

Like it? Share it!

Leave A Response