Siddeeda Garoon Ee Lagu Ciyaari Doono Kulamada Premier League Oo Lasoo Bandhigay

by admin | Saturday, May 2, 2020 | 785 views

Kulankii ay shalay yeesheen kooxaha Premier League ayay ku heshiiyeen in kulamada ka hadhay horyaalka la dhamaystiro iyadoo lagu ciyaarayo garoomo dhex-dhexaad ah marka ay dawladdu bixiso ogolaansho ay ciyaaruhu dib ugu bilaabmayaan.

Kulanka oo socday in ka badan saddex saacadood oo ay ka qayb-galeen 20-ka kooxood ee saamilayda horyaalka ah, ayaa waxa la sheegay inay ku heshiiyeen in siddeed garoon oo dhexdhexaad ah lagu ciyaaro, taas oo ka dhigan in aanu jiri doonin naadi garoonkiisa ku dheeli doona.

Kooxaha qaarkood ayaa dib u bilaabay tababarka iyaga  oo raacaya sharciga kala-fogaanshaha ee lagu xakamaynayo xanuunka, laakiin waqtiga ugu soo horreeya ee ay tababarka guud bilaabi doonaan ayaa loo qabtay May 18, halka xilliga uu horyaalku bilaabmaya kulamo kale laga yeelan doono.

Wargeyska The Sun ayaa faahfaahiyey garoomada siddeedda ah ee sida dhexdhexaadka ah loo isticmaali doono, waxaana ku jira Old Trafford oo Manchester United ay leedahay, Etihad Stadium oo Manchester City ah iyo Emirates oo Arsenal ah, hase yeeshee saddexda kooxood ee kale ee waaweyn ee Liverpool, Chelsea iyo Tottenham ayaa garoomadoodu ka maqan yihiin.

Booliska ayaa ka walaacsan inay dhici karaan taageereyaal madax adag oo aan dhegaysanin awaamiirta oo isku dayi doona inay damaashaad darteed usoo baxaan gaar ahaan Liverpool oo hanashada horyaalka loo caleemo saari doono haddii ay labada ciyaarood ee ugu soo horreeya badiso.

Wargeyska The Sun waxa uu sheegay in siddeeda garoon aan si buuxda la iskugu raacin, laakiin ay u badan tahay inay noqdaan siddeed ku kala yaalla gobollada dalka.

Garoonka Brighton ee Amxex iyo St Mary’s oo Southampton ah ayaa xeebta Koonfurta laga soo xulan doonaa, caasimadda London na labada garoon ee London Stadium oo West Ham leedahay iyo Emirates oo Arsenal ah.

King Power Stadium iyo Villa Park oo ay kala leeyihiin Leicester City iyo Aston Villa ayaa laga soo qaadan doonaa gobollada Midlands-ka, halka Old Trafford iyo Etihad oo Man United iyo Man City kala leeyihiin lagu qaban doono ciyaaraha Woqooyiga Galbeed.

Sawirkan hoose ayaa muujinaya garoomada la xulanayo:

Like it? Share it!

Leave A Response