Tababaraha Lala Xidhiidhinayo Inuu Hoggaamin Doono Mashruuca Lacagta Badan Ee Saudi Arabia Ku Maalgelinayo Newcastle Ee Mauricio Pochettino Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa{sawiro}

by admin | Thursday, Apr 30, 2020 | 749 views

Mauricio Pochettino oo ay wararku sheegayaan inuu hoggaamin doono mashruuca lacagta badan ee Newcastle United oo Saudi Arabia ay ku maalgelinayso lacago badan, haddana ay socdaan wada-hadallo marba waji yeelanaya oo horraantii usbuucan la sheegay inuu gabogabo ku dhow yahay.

Tababaraha reer Argentine oo shan sannadood oo uu maamulayay Spurs laga caydhiyey bishii November ee sannadkii hore, isaga oo ku hoggaamiyey afarta ugu sarraysa waqtigiisii oo dhan, isla markaana finalka Champions League tegay sannadkii hore oo ay Liverpool kaga guuleysatay koobka.

Poch waxa uu sheegay inuu doonayo inuu ku laabto kooxdiisa hore ee uu shaqooyinka wanaagsan ka qabtay laakiin laga caydhiyey, waxaanu yidhi: “Wuxuu ahaa safar safar cajiib ah oo ku dhamaaday jid aanay cidina doonayn inuu ku dhamaado. Laakiin laabtayda, ruuxdayda, qalbigay waxaan hubaa inaanu mar kale kulmi doono. Hubaashii, waqtigan hadda illaa maalintii aan kooxda ka tegay, riyadaydu waxay tahay inaan maalin uun ku laabto oo aan isku dayo inaan dhamaystiro shaqadii qabyada iga ahayd.

“Waxaanu aad ugu dhowaanay inaanu ku guuleysano koobab. Premier League iyo Champions League, aad iyo aad ayaanu ugu dhowaanay.”

Tababare Mauricio Pochettino waxa kale oo lala xidhiidhiyey shaqooyin badan iyadoo uu dalabyo ka helay kooxaha Real Madrid oo doonaysay inuu u beddelo Zidane markii uu shaqada ka tegay, Manchester United iyo naadiyo kale.

Like it? Share it!

Leave A Response