Somalia iyo masar oo ka wa hadalay xiriirka u dhaxeeya labada dal.

by admin | Thursday, Sep 22, 2022 | 325 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Al-Saciid Axmed Al-Baz.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Dowladda Masar ayaa diiradda waxaa lagu saaray “Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii xoojin lahaa.” Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Safiirka Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya uga mahadcaliyay booqashadiisa maanta ee Xafiiskiisa, isaga oo ku amaanay sida Dowladda Masar ay uga qeyb qaadata dowlad dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale Danjiraha Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Al-Saciid Axmed Al-Baz ayaa dhankiisa bogaadiyay dadaallada ay waddo Xukuumadda Dan Qaran ee uu Hoggaamino Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Barre ayaa wada kulamo uu la yeelanayo Wakiillada Beesha Caalamka u fadhiga Soomaaliya, isaga oo kala hadlaya xoojinta xiriirka labada dhinac iyo sida ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaallada loogu jiro gurmadka Abaaraha.

Like it? Share it!

Leave A Response