SOMALIYA OO CIIDAN NABAD ILAALIN AH U DIREYSA KOOFURTA SUUDAAN

by admin | Tuesday, Sep 18, 2018 | 938 views

Urur Goboleedka IGAD,ayaa shaaciyay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay Ciidamo nabad ilaalin ah u direyso Dalka Koofurta Suudaan ee ay ka socdaan dagaallada sokeeye.

Ciidamada Nabad ilaalinta ah ee loo dirayo dalka Koofurta Suudaan,waxaa kale oo ay ka kala imanayaan dalalka Jabuuti,Uganda iyo Suudaan.

Urur Goboleedka IGAD ayaa golaha amaanka ee qaramada Midoobey ka codsaday in ay dib u eegis ku sameyso qorshaha IGAD ee Ciidanka nabad ilaalinta ah loogu dirayo Koofurta Suudaan,waddamada Ciidamada dirayana loo fasaxo in ay howlgalkaas qeyb ka noqon karaan.

Ciidamadan ayaa loogu talagalay in ay ilaaliyaan heshiiskii dhexmaray Dhinacayada Koofurta Suudaan ee 12kii Bishan ka dhacay Magaalada Adis ababa.

Soomaaliya oo ayaa mudda dheer kaddib ku cusub ka qeybqaadashada howlgallada dhinaca dhabad ilaalinta ah ee Afrika,iyada oo dowladda hadda ka jirta ku tiirsan tahay Ciidamo Nabad ilaalin ah oo ka socda Waddamada Afrika qaarkood.

Like it? Share it!

Leave A Response