Soomaaliya oo la wareegtay Shir gudoonka Ururka DLCO-EA

by admin | Saturday, Oct 29, 2022 | 202 views

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS ayaa shir uga qayb galay magaalada Kampala

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Axmed Madoobe Nuunow ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda uga qayb galay shirka sanadlaha ah ee ururka xakameynta Ayaxa iyo dulimada hayaama ee dalalka Bariga Afrika magaciisana lagu soo gaabiyo DLCO-EA, ururkaas oo la aas-aasay sanadkii 1962 kaasoo sanadkiiba mar la qabto.

Shirkan oo ahaa mid heer wasiir ah oo ay kasoo qayb galeen dhammaan wasiirada beerahah dalalka bariga Afrika ayaa waxaa shir gudoonka 2022 ilaa 2023 la wareegay dowladda federaalka taasoo ugu dambeysay sida uu wasiirku sheegay in ay shir gudoomiyaan sideetameeyadii.

Soomaaliya ayaa inta badan kasoo muuqanaysay dhamaan ururka ay xubnaha ka tahay ee heer gobol iyo heer caalami intaba

Like it? Share it!

Leave A Response