Soomaaliya oo laga xusayo Maalinta Qaxootiga Aduunka

by admin | Thursday, Jun 20, 2019 | 707 views

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ayaa shaaca looga qaaday in sanadkii 2018ka dad ka badan 71Milyan oo qof xoog looga barakiciyay guryahooda.

Warbixin sanadeedka Qaramada Midoobey ayaa waxaa shanta dal ee ugu horreysa ka mid noqday Soomaaliya iyada oo ay safka kula jiraan waddamo kale.

Waddamada kaalimaha 1aad iyo 2aad galay ayaa waxaa ay kala yihiin Syria oo ay gudaha ku barakaceen 6.7milyan oo qof iyo Afghanistan oo ay ku barakaceen 2.7Milyan oo qof.

Koofurta Suudaan waxaa ku barakacay 2.4 milyan oo qof, Myanmar waxaa ku barakacay 1.1 milyan oo qof halka Soomaaliya ay ku barakaceen Nus malyuun qof (500,000).

Qaramada Midoobey ayaa sanad waliba soo saarta warbixin sanadeed la xiriirta barakacayaasha Caaalamka eek u barakaca dagaallada iyo colaadaha kala duwan ee ka aloosan waddamadooda

Soomaaliya ayaa kaalmaha hore waxaa ay kaga jirtaa dadyoowga ugu badan Ee Qaxootiga ah,waxaana Soomaali farabadan oo ka qaxay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ay ku sugan yihiin daafaha Caalamka haba ugu badnaatee wadamada deriska ah.

Xerooyinka ay qaxootiga ugu badan ee Soomaaliyeed ay ku nool yihiin ayaa waxaa ka mid ah ah Xerada Dhadhaab ee dalka Kenya,iyada oo dowladda Kenya horaantii sanadkaan ay sheegtay in Bisha Agoosto ee isla sanadkaan ay xireyso xeradaas

Maanta oo Taariikhdu ku began tahay 20 Bisha June waxaana Maanta oo kale Dunida laga xusaa Maalinta Qaxootiga Aduunka,waxana dalalka laga xusayo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta lagu qabto Munaasabado lagu xusayo Maalinta Qaxootiga Aduunka,waxaana ka qeyb geli doona Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda inta ay socoto ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa dhibaatooyinka xilligaan heysta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Dibadiisa iyo sida ay uga gudbi karaan.

Qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lagu qabto munaasabada Maalinta Qaxootiga Aduunka,waxaana ka qeyb geli doona mas’uuliyiin ka socda Dowlad Goboleedyada.

Soomaaliya ayaa kaalmaha hore waxaa ay kaga jirtaa dadyoowga ugu badan Ee Qaxootiga ah,waxaana Soomaali farabadan oo ka qaxay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ay ku sugan yihiin daafaha Caalamka haba ugu badnaatee wadamada deriska ah.

Xerooyinka ay qaxootiga ugu badan ee Soomaaliyeed ay ku nool yihiin ayaa waxaa ka mid ah ah Xerada Dhadhaab ee dalka Kenya,iyada oo dowladda Kenya horaantii sanadkaan ay sheegtay in Bisha Agoosto ee isla sanadkaan ay xireyso xeradaas.

Like it? Share it!

Leave A Response