Waa marki ugu horeysay oo aay si wadajir ah u kulman gudomiyaha cusub gobalka hiiraan cali muxumud carale iyo gudomiyahi xil qadista lagu samayey yusuf ahmed hagar yusuf dabaged.{warbixin}

by admin | Friday, Jul 12, 2019 | 862 views

Gudomiyahii gobalka hiiraan yusuf ahmed hagar yusuf dabaged ayaa kaso horjeystay xil qadis uu ku sameyey madaxweynaha hirshabelle maxamed cabdi waare taas oo gudomiye yusuf ku tilmamay in aay sharci daro tahay isla markana hareer marsan dasturka hirshabelle madaba madaxweynaha marka uu xilka qadayey gudomiye yusuf uu dalka ka maqnay madaxweynaha .

Waxana tan iyo markii xilka laga qaday gudomiye yusuf dabaged magalada baladweyn ka dhacay banan baxya loga soo horjedo jiritanka maamulka hirshabelle kuwaas oo aay dhigayen qeybaha kala duwan bulshada ee ku dhaqan degmada baladweyne ee casimada gobalka hiiraan .

Sido kale xisada udhaxeysay madaxweynaha hirshabelle maxamed cabdi waare iyo gudomiye yusuf ahmed hagar dabaged waxaa ku dhintay allaha unaxaristi taliyahi qeybta boliska gobalka hiiraan korneyl maxamed macow xalane oo aay cidamada ka tirsan kuwa dowlada ku dillen deganka kalabeyr halkas oo ah isha dhaqalaha ugu weyn maamulka hirshabelle oo canshur ku qadan.

Cidamada amisom oo  iskugu jira Djibouti iyo Ethiopia ayaa waxa aay isku dayen hab awod cidan ah in  aay adegsadan oo aay gudomiye yusuf dabaged ka maquuniyan guriga uu ku jira  magaalada  baladweyne  balse arintas waxa iska hor istaag ku samayey wax garadka gobalka hiiraan  dabageed  ayaa warbaahinta u shegay in  ciimada  amisom ay rabeen in ay dilaan.

wasiro  iyo xildhibaano  ka tirsan dowlada federalka somaliya  oo degan dorashado tahay gobalka hiiraan ayaa soo garay baladweyne kuwaas oo donayey in aay xaliyan khilafka udhaxeya Gudomiyahi xilka laga qaday yusuf ahmed hagar iyo madaxweynaha hirshabelle maxamed cabdi waare waxeyna si ka fol ka fol ah iskaga horgeyen labada masuul balse kulanki aay kulmen wax natiija ah kama soo bixin madaba labada dhinac qodabada aay isa soo hordhigen ku hisheen wayeen.

yusuf ahmed hagar dabaged  ayaa  mudo  bil ah    awood cidan ku haystay xarunta maamulka gobalka hiiraan madaxtoyada hirshabelle guriga loga talagalay gudomiyaha gobalka hiiraan iyo qaar ka mid ah kastana canshurta lagu qada.

Kulan  xalay  ku dhaxmaray guriga gudomiyaha gobalka hiiraan yusuf ahmed hagar yusuf dabaged iyo gudomiyaha cusub ee gobalka hiiraan cali maxamuud carele oo aay gob joog ka ahayen xildhibana ka tirsan dowlada federalka somaliya  ayaa waxa uu gudomiye yusuf dabaged ogalaaday  in uu xilka ku warejiya gudomiyaha cusub ee gobalka hiiraan cali maxamud carale .

Dadka siyasada falaqeya ayaa ku tilmamay khilafka udhaxeyey madaxweynaha hirshablee  iyo   yuusuf axmed  hagar  in uu hagaray herkii ugu sareysay ee siyasada udhaxeysa madaxweyne maamul iyo gudomiye.

W/D: bashiir cabdulahi cismaan

Baladweyne ,soomaaliya

Like it? Share it!

Leave A Response