Waa Maxay Qaladka Uu Sameeyey Tababare Joachim Low Ee Sababta U Noqday Guul-darrooyinka Xulka Germany? Muxuuse Ka Baran Karayey Macallinkii Spain Ee Del Bosque?

by admin | Wednesday, Oct 17, 2018 | 1025 views

Maalmihii guulaha ee xulka qaranka Germany ayaa mar kaliya ay beddeleen maalmo madow oo sababay in xattaa khubrada ciyaaraha ku dheer ay garan la’yihiin maarayntooda, laakiin kaligood maaha dalka guulaha waaweyn helay ee waqtigu ku adkaaday.

Xulka qaranka Spain ayaa sidan oo kale, waxa uu galay mugdi laga soo bilaabo Koobkii Adduunka ee 2014, kaddib saddex koob oo waaweyn oo ay sannadihii ka horreeyey kusoo guuleysteen.

Spain oo uu hoggaaminayey tababarihii caanka ahaa ee Vicente Del Bosque ayaa tegay Koobkii Adduunka 2014 iyagoo doonayey inay difaacdaan oo markii labaad oo xidhiidh ah hantiyaan, hase yeeshee markii ay si lama filaan ah usoo hadheen.

Sidaas oo kale ayaa xulka qaranka Germany ugu guuleystay Koobkii Adduunka 2014 iyagoo taariikhda ku galay goolashii tirada badnaa ee semi-finalka ay kasii dhaliyeen Brazil oo dalkeeda lagu ciyaarayay.

Joachim Low guushaas kaddib waxa uu sii aaminay xulkiisa oo uu ku hoggaamiyey Euro 2016 oo uu faro madhan kala tegay ka hor intii aanu wareegga koowaad ee Groupyada kaga soo hadhin Koobkii Adduunka 2018.

Kuma dhiiranin inuu shaqada ka tago guul-darrooyinkaas kaddib hase yeeshee waxa uu mar kale kusii dhegay shaqadiisa oo tartanka UEFA Nations League ay masiibadii ugu weynayd kaga dhacday.

Sida uu qoray wargeyska MARCA, tababare Joachim Low  waxay ahayd inuu wax ka barto Del Bosque oo dhibaatadan oo kale haleeshay ka hor intii aanu shaqada ka tegin, waxaana u wanaagsanayd in markii uu dhamaaday Koobkii Adduunka 2018 uu degdeg isku casilo, balse waxa la filayaa in maalmaha soo socda uu xidhiidhka kubadda cagta dalkaasi go’aan ka gaadho mustaqbalkiisa.

 

Like it? Share it!

Leave A Response