War deg deg ah: dagaal dhimisho iyo dhaawac geystay ayaa ka dhacay gobolka hiiraan.

by admin | Sunday, Mar 25, 2018 | 1375 views

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka kala beer  ee  ku yaala dhanka waqooyee   magalada baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan  waxaa ka dhacay dagaal culus  kaas  oo u dhaxeeyay ciidamada  dowlada soomaaliya  iyo  alshabaab
waxaana  wararka  ay   Sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Federalka Somalia oo ku sugan Deegaanka kala beer oo qiyaastii 30 km baladweyne u jirta ay weerar ku qadeen Ururka Al shabaab
Waxaana weerarkaas ka dhashay qasaaro iskugu jiro Dhimasho Iyo Dhaawac  shalay  ayay hayt ka dib markii

Ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM oo wata gadiidka dagaalka ayaa subaxnimadii hore ee saakay ka anbabaxey magaalada Beledweyne,kuwaa oo ku wajahan degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan, iyaga oo sii maraya deegaannada ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Howlgalkan oo uu horkacayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeynte Cismaan ayaa noqonaya mid ka mid ah howlgaladii ugu adkaa oo ciidamada dowladda iyo AMISOM ka sameeyaan deegaannada ay ku xoogan yihiin Al-shabaab.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaal culus uu dhaxmaray ciidamada dowladda iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo isku dayay in ay is hortaagaan socdaalka iyo howlgalka ciidamada, waxaana wararku sheegayaan in dagaalka uu sababay khasaare ballaaran oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Saraakiisha ciidamada militariga gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgalka yahay mid la doonayo in lagu furo jidadka ay xirteen Al-shabaab si go’doonka loo qaado magaalooyinka ay gacanta ku heyso dowladda gaar ahaan Buula-burte.

 

Like it? Share it!

Leave A Response