Wardheeraad ayaa ka soo baxaya Dagaalka ka Socda Duleedka Magalada Mooragaabey.

by admin | Tuesday, Jul 2, 2019 | 1147 views

Wararka naga Soo gaaraya Dagaalka ka socda Duleedka Magalada Moorgaabey Gobolka Bakool ayaa laba maalin at ku dagaal tameen Ciidama Xooga Dalka Gobolka Bakool werar ku qaadeen Saldhig ay ku la hayeen Xarakada Al shabab maalintii koowaad waxaa lagu diley Ilaa 7 todoba ka mid ah maleegaya Xarakada Al shabab kadibna ciidama Xooga Dalka ayaa la wareegey isla goobtii Ciidama Xooga Dalka waxaa Halkaasi kaga dhimatey Afar Askari oo Ka tirsanaa Ciidamada kadibna waxey ku soo laabteen Magalada Xudur Caasimada Gobolka Bakool.

Maalintii labaad waxaa isla Goobtii isku Soo aruursadey maalishiya Xarakada Al shabab ka dibna Ciidamadii ayaa weeraro ku soo qaadey oo markii ay soo weerareen waxey kala kulmeen iska caabin xoogan oo kaga timid dhanka Xarakada Alshaab. wararka qaaar ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac ay jiraan labada dhinac . Saka ayaa si doo kale la isku hor fadhiyaa isla Goobtii Ciidamada Xooga dalka ayaa u diyaar garoobey in weerarkale ku qaadaan isla Goobtii shalay iyo Salaakay Dagaalka ka socday. Sidoo kale wareysi aan la yeelaney sarkaalka ka mid ah Ciidamada ayaa inoo Xaqiijiyey in Ciidamo Mukhtar Roobow ka amar qaata aan ku dagaalamin Deegaanka ee ay joogaan Magalada xudur Ciidanka Mukhtar Roobow Magalada Abal ka la yimid qiyaastii tiradooda ay dhantahay 50- 60 maleeshiya ah oo iyaguba halkaa magangaliyo ay u joogaan iney dagaal gal aan iska daayee.

Sidoo kale dad goobjoogayaal ayaa noo sheegay ayaa inuu sheegey in xitaa Ciidamada Ethopiyaanka ah Gobolka ku sugan xitaa u soo Gurman Ciidamada Gobolka ay keligood ku dagaaltameen Goobta Dagaalka ka socda,

wixii kuu soo kordha dib ayaan idinkala soo socod siineynaa Insha Allah.

 

Like it? Share it!

Leave A Response