Xagee ayuu ku dambeeyey qorshihii Turkiga ee Israel?

by admin | Wednesday, May 6, 2020 | 489 views

Doorashooyinkii saddexda ahaa ee sanada gudihiisa ka dhacay Israel waxay keeneen hubaal li’i badan oo gudaha ah; waxayna dood ka abuureen gudaha dhismayaasha Dowladda ee magaaladda Ankara: Benjamin Netanyahu, ninka Madaxweyne Erdogan ku tilmamay “keligi-talis Yahuudda neceb,” ugu dambeyntii ma bixi doonaa?

Su’aal la’aan, sarakiil Turki ah ayaa rajeeyay in jawaabta su’aashaas ay noqon doonto “haa”, iyagoo rumeysan in tegista Ra’iisul Wasaaraha muddada dheer ay xallin doonto madax xaanuun badan oo ka heysta gobolka.

Labada Dowladood waxay caadi kusoo celiyeen xiriirkoodii sanadkii 2016-kii, midkoodna ma uusan martigelin safiirka midka kale sababtoo isku dhac u dhexeeya labada hogaamiye ayaa ka dhashay su’aasha Falastiin.

Hal arrin waa la hubay: Ankara suurtagal uma aysan ahayn in ay laabto bogga hogaamiyaha Israel, kaasi oo si sharci darro ah u deegaameeyay Daanta Galbeed, go’doomiyay, duqeeyayna marinka Gaza, gunana ku bixiyay olole dagaal oo ka dhan ah Dowladda Turkiga oo ka socda Washington.

Saraakiil Turkish ah, oo si qarsoodi ah ula hadlay Middle East Eye, ayaa sidoo kale dareensan in ay u baahanyihiin in uu wax uun ka sameeyay dadaallo Israel ay ku sameyneyso xulafo ka dhan ah Turkiga oo ay ka sameyneyso bariga Mediterranean-ka iyadoo taageero ka heleysa Maraykanka.

Israel, Khubrus, Greece iyo Masar waxay qorsheynayaan in tubo sida gaaska Israel ay geeyaan Europe, si ay u yareeyaan danaha Turkiga, iyagoo ku dhawaaqaya aagooda dhaqale ee gaarka ah.

Xukuumadda Ankara waxay sanadkii 2016-kii sameysay baaritaan si ay u hesho qaabka ay Dowladda Israel u marayso mashruuca ka dhanka ah ee gaaska qaadi doona, laakiin isku dhac la xiriira Falasiin iyo Afgambigii July ee isla sanadkaas ayaa dilay mashruucii.

Danaha ay wadaagaan

Dhibka uu Turkigu ku qabo Israel intaas kuma dhamaan. Ankara waxay sidoo kale cadaadis ka wajaheysaa dhanka Congress-ka Maraykanka, halkas oo koox sanatarro careysan ah ay gadaal ka riixayaan sharciyo lagu ciqabayo Turkiga, kaas oo ku saabsan Weerarkii Turkigu uu ku qaaday Waqooyi-bari Syria iyo xasuuqii Armenia.

Saraakiishu waxaa ay rumeysanyihiin in ololeeyeyal u shaqeeya Netanyahu ay ka dambeeyaan sharciyadda Maraykanka ee Turkiga ka dhanka ah.

Wada-sheekeyso gaar ah oo uu la yeeshay muwaadiniin Turkish ah, Netanyahu waxa la sheegay inuu muujiyey inuu doonayo inuu wanaajiyo xiriirka Turkiga. Hase yeeshee siyaasadihiisa ku wajahn Falastiiniyiinta ayaan wax fursad ah siineyn inuu dib ula heshiiyo Erdogan, oo u arka inuu yahay sheydaan kasoo horjeeda jiritaanka Falastiiniyiinta.

Waa taas sababta madaxii hore ee ciidamada Israel Benny Gantz uu war wanaagsan ugu ahaa Turkey. Saraakiisha Turkiga waxay ogaayeen in inkasta oo Gantz uu sidoo kale siyaasad khalafsan ku wajahayo Gaza, haddana ay jirtay rajo ah in ugu yaraan uu muujin doono isxakameyn maadaama uu u baahan yahay taageerada xisbiyada Carabta Israel, si uu u noqdo ra’iisul wasaaraha Israel.

“Turkiga iyo Israel waxay wadagaan dano ka dhan Dowladda Siiriya iyo maleeshiyaadka Iran ee gobolka. Waxaa jira meelo ay labada Dowladoodba ka wada shaqayn karaan,” sida uu sheegay ilo wareed ku dhow Dowladda Turkiga.

“Xiriir wanaagsan oo Israel lala yeesho waxaa uu yareynayaa dadaalada Turkiga ka dhanka ah ee ay wadaan congress-ka Maraykanka.”

Tan iyo sanadkii 2008-dii, xajmiga ganacsiga ee Turkiga iyo Isra’iil waxaa uu kordhay 60 boqolkiiba, waxaana uu gaaray $5.6 billion, halka dalxiisayasha Israel ee taga Turkiga ay dhaafeen nus malyuun sanadkii 2019-kii, waxay kor u kacday 28 boqolkiiba sanadba sanad.

Fursadaha la seegay

Si kastaba ha ahaatee, rajada saraakiisha Turkiga ee sixidda xiriirka labada dhinac waxaa jabiyay xulifadii ay dhowan sameysteen Netanyahu iyo Gantz. Hogamiyeyaashu waxay ku heshiiyeen in lasoo dhiso Dowlad uu wasiirka koowad ka yahay Netanyahu, Gants-na waxaa loo qorsheyay in uu shaqada la wareego 18 bilood kadib.

Heshiiska xulifada waxaa ku jira arrin aduunka oo dhan la isku khilaafsan yahay: Netanyahu waxaa uu meel marin doonaa sharci dhigaya in Israel ay goosato xirmooyin ka tirsan Daanta Galbeed 1-da Julay, Washington-na waa ay taageersan tahay talabadaas. Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa horraantii Todobaadkaan sheegtay in ay tageersantahay sharciga ay sameyneyso Israel.

Todobaadkii lasoo dhaafay, Wasaarada arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa cambareysay howsha la xiriirta goosashada dhulka Falastiin waxayna ku tilmaantay  talaabo “aad khatar u ah.”

“Waxaan rumeysanahay in talaabadaas nafwaga ah oo ku tumandoonta Sharciga caalamiga ah ay keeni karto cawaaqib wadaraeed dhanka banii aadanimada ah, ma aqbali karo, mana taageeri karo  xubin ka tirsan beesha caalamka ee leh dareen cadladeed iyo masuuliyad,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Haddii Netanyahu uu meesha ka bixi lahaa, oo uu Gantz xilka qaban lahaa, qorshaha Turkiga ee ahaa xiriir wanaagsan oo lala yeesho Israel, lana joojiyo dhibka ka dhanka ah Falastiiniyiinta, waa uu meel-mari lahaa, balse guul-darrada Gantz ayaa taas meesha ka saartay.

Nihat Ali Ozcan, oo ah khabiir siyaasadda arrimaha dibedda oo ka tirsan machadka TEPAV ee Ankara, ayaa sheegay in labada dalba ay xiriirka kusii wadi doonaan sida uu hadda yahay, sababtoo ah marka ay noqoto wada-shaqeynta iyo ganacsiga waa ay isku baahan yihiin.

Like it? Share it!

Leave A Response