Xiisad Dagaal Oo Ka Taagan Magaalada Baladweyne.

by admin | Sunday, Apr 15, 2018 | 1133 views

Xiisad dagaal oo u dhexeysa Ciidamo taabacsan guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo kuwa maamulka HirShabelle ayaa  ka ka taagan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi.

Guddoomiye Jeyte ayaa la sheegay in uu ka biyo diidan yahay xilka qaadis uu dhawaan ku sameeyay Madaxweyne Waare, isagoona haatan Ciidamo ku aruursanaya qeybo ka mid ah magaaladaasi Baladweyne.

Ilo deegaanka oo la hadlay warbaahinta   ayaa sheegay in laga cabsi qabo dagaal, maadaama dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka socdaan halkaasi.

Sidoo kale munaasabad la filayay in xilka uu ku wareejiyo guddoomiye Jeyte oo ka dhacday Baladweyne ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in uusan ka qeyb galin.

Balse waxaa lagu soo warramayaa in isaga oo ka maqan munaasabaadaasi uu xilka la wareegay guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan C/laahi Sufurow.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in guddoomiyihii xilka laga qaaday uu dalbaday Lacag gaareysa 250 oo kun oo Dollarka Mareykanka, si uu xilka u wareejiyo.

13-kii bishan ayey ahayd markii Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare uu xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Like it? Share it!

Leave A Response