Xog ku saabsan weerarkii xabsiga dhexe ee Xamar iyo qaabkii hubka loo geliyay

by admin | Tuesday, Aug 11, 2020 | 402 views

Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya weerarkii Isniintii ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, kaasoo ay maleegeen maxaabiistii xabsiga lagu hayay oo qaarkood ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo xukunno kala duwan lagu riday.

weerarkaasi waxaa   loo adeegsaday bambaanooyin iyo bastoolado, taasoo sababtay in ay dheeraado soo afjarida weerarkaasi oo qaatay mudo saacado ah, iyadoo idaacadda dowladdana ay sheegtay in maxaabiista lagu qabtay labo bastoolado.

Sida aan wararku ku heleyno waxaa weerarku uu ku bilowday bastoolado iyo bambaanooyin dhowr ah oo lagu dhex qariyay raashin loo gudbiyay maxaabiista, loo adeegsaday in askartii ilaalada labo ka mid ah lagu toogtay bastoolad, kadibna qoryihii ay haysteen laga qaatay, kadibna weerarku noqday mid toos ah oo bambooyin loo adeegsaday.

Xogtu waxay sheegeysaa in ilaa labo ka mid ah ilaalada xabsiga la dilay, halka maxaabiistii ka tirsaneyd Al-Shabaab ee xabsi daa’inka ku xukunaa lix ka mid ah ay weerarkaasi ku dhinteen, lix kalena lagu dhaawacay, waxaana nolosha lagu qabtay shan maxbuus sida ay baahisay idaacadda dowladda oo sheegtay in maxaabiistaasi labo ka mid ah bastoolado lagu qabtay

Taliyaha ciidanka asluubta, Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa dafiray xaqiiqda, isagoona xaqiiqda baal maray, kuna sheegay sababta weerarkaasi inuu dhaliyay maxbuus cunto karinayey oo qori ka dafay askari ilaalinayay, kadibna uu toogtay, sidaasina ay ku heleen labo qori oo dagaalku noqday mid daba dheeraaday.

Weerarkaan oo markii danbe ay soo afjareen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa waxaa xabsiga ka baxsaday hal maxbuus oo ka tirsanaa maxaabiista Shabaab, kaasoo agagaarka dekadda Muqdisho ku dilay wade mooto bajaaj, kadibna uu ku baxsaday mootadii uu dilay darawalkeedii.

Saraakiil amni oo ka tirsan laamaha ciidanka ayaa Caasimada u xaqiijiyay in xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee xukun sugayaasha iyo kuwa xukumada lagu riday in xabsiga dhexdiisa ay ku dhex haystaan taleefanada Smartiga ah iyo qadka Internetka, ciddii ay doonaana kala dhex hadlaan, taasoo kasoo horjeeda nidaamka iyo sharciyada xabsiyada u yaal.

Dhamaan marka lasoo koobo wixii ka dhacay xabsiga Xamar iyo hadalka Taliye Mahad, waxay muujineysaa habacsanaanta amni ee xabsiga ka jirta, una baahan baaritaan dhab ah oo caddaalada ku saleysan

Like it? Share it!

Leave A Response