XOG: Maamulka Horyaalka Spain Ee La Liga Ayaa Soo Bandhigay Liiska Ciyaartoyda Kooxaha Dalkooda Ka Tirsan Ee Koobka Aduunka Ka Qayb Galaya Iyo Dal Kasta Ciyaartoyda Ugu Jirta Horyaalka La Liga.

by admin | Monday, Jun 4, 2018 | 1504 views

Maalmo kooban ayaa ka hadhsan dhacdada kubbada cagta ugu wayn ee koobka aduunka kaas oo dhawaan si rasmi ah uga furmi doona dalka Russia. Maamulka horyaalka La Liga ayaa isha soo mariyay liisaska min 23 ka xidig ee 32 ka xul qaran ee aduunka ku matalaya koobka aduunka ee Russia, waxayn kala soo dhex baxeen ciyaartoyda kooxaha ree Spain ka tirsan ee koobka aduunka ka ciyaari doona.

Waxaana warbixin arintan lagu soo bandhigay oo luuqada Spanishka lagu daabacay lagu cadeeyay in 81 ciyaartoy oo kooxaha ree Spain ka tirsani ay ka qayb gali doonaan koobka aduunka ee Russia, waxaana arintan lagu soo bandhigay in xul kasta oo koobka aduunka ka qayb galaya laga soo saaray ciyaartoyda kooxaha ree Spain ee ku jira.

Sida la filan karo xulka qaranka dalka Spain ayaa noqday wadanka ay ciyaartoyda ugu badan ee kooxaha horyalka Spain ay ku jiraan, waxaana xulka qaranka Spain ku jira 17 xidig oo ka ciyaara horyaalka La liga taas oo ka dhigan in 23 ka xidig ee La Roja uga qayb galaya koobka aduunka ay 17 ka mid ahi dalka Spain gudihiisa ka ciyaaraan.

Xulalka qaramada France, Colombia iyo Morocco ayay qayb ka yihiin min lix ciyaartoy oo ka ciyaara kooxaha dalka Spain halka Urugauy iyo Brazil ay qaramooda ka mid yihiin min shan ciyaartoy oo kooxaha ree Spain ka ciyaara.

Haddbaa halkan si buuxda ugaga bog xogta ciyaartoyda ka tirsan kooxaha ree Spain ee ka qayb galaya koobka aduunka iyo waliba dal kasta tirada ka soo muuqday oo dhamaystiran:

Germany (2): Marc – André Ter Stegen (FC Barcelona), Toni Kroos (Real Madrid).

Saudi Arabia (3): Salem Al Dawsari (Villarreal CF), Yahya Al-Shehri (CD Leganés), Fahad Al-Muwallad (Levante UD).

Argentina (3): Gabriel Mercado (Sevilla FC), Éver Banega (Sevilla FC), Lionel Messi (FC Barcelona).

Belgium (2): Thomas Vermaelen (FC Barcelona), Adnan Januzaj (Real Sociedad).

Brazil (5): Marcelo (Real Madrid), Filipe Luis (Atletico Madrid), Paulinho (FC Barcelona), Casemiro (Real Madrid), Coutinho (FC Barcelona).

Colombia (6): Yerry Mina (FC Barcelona), Mojica (Girona FC), Jefferson Lerma (Levante UD), Carlos Sánchez (RCD Espanyol), Carlos Bacca (Villarreal CF), Luis Muriel (Sevilla FC).

Costa Rica (4): Keylor Navas (Real Madrid), Óscar Duarte (RCD Espanyol), Celso Borges (RC Deportivo), Joel Campbell (R. Betis).

Croatia (4): Sime Vrsaljko (Atlético de Madrid), Luka Modric (Real Madrid), Rakitic (FC Barcelona), Kovacic (Real Madrid).

Denmark (3): Simon Kjaer (Sevilla FC), Krohn Deli (RC Deportivo), Pione Sisto (RC Celta).

Spain (17): Kepa (Athletic), Sergio Ramos (Real Madrid), Gerard Piqué (FC Barcelona), Jordi Alba (FC Barcelona), Carvajal (Real Madrid), Odriozola (Real Sociedad), Nacho (Real Madrid), Iniesta (FC Barcelona) Busquets (FC Barcelona), Koke (Atletico Madrid), Isco (Real Madrid), Saúl (Atletico Madrid), Rodrigo (Valencia CF), Iago Aspas (RC Celta), Lucas Vázquez (Real Madrid), Asensio (Real Madrid ), Diego Costa (Atletico Madrid).

France (6): Raphael Varane (Real Madrid), Samuel Umtiti (FC Barcelona), Lucas Hernández (Atlético de Madrid), N’Zonzi (Sevilla FC), Dembélé (FC Barcelona), Griezmann (Atletico Madrid).

Japan (2): Takashi Inui (SD Eibar), Gaku Shibasaki (Getafe CF).

Morocco (6): Munir El Kajaoui (CD Numancia), Bounou (Girona FC), Achraf (Real Madrid), Amrabat (CD Leganés), Fayçal Fajr (Getafe CF), Youssef En Nesyri (Málaga CF).

Mexico (3): Miguel Layún (Sevilla FC), Héctor Moreno (Real Sociedad), Andrés Guardado (R. Betis).

Nigeria (2):Francis Uzoho (RC Deportivo), Etebo (UD Las Palmas).

Panama (1):Ismael Díaz (RC Deportivo).

Portugal (2):Cristiano Ronaldo (Real Madrid), Gonçalo Guedes (Valencia CF).

Russia (1):Cheryshev (Villarreal CF).

Serbia (2):Marco Dmitrović (SD Eibar), Rukavina (Villarreal CF).

Sweden (1):Guidetti (D. Alavés).

Switzerland (1):Schär (RC Deportivo).

Uruguay (5):Giménez (Atlético de Madrid), Godín (Atlético de Madrid), Stuani (Girona FC), Luis Suárez (FC Barcelona), Maxi Gómez (RC Celta).

Like it? Share it!

Leave A Response