Xog: Somalia oo dhexda ka gashay dagaal iyo loolan u dhaxeeya shan dal

by admin | Friday, Apr 12, 2019 | 735 views

Xiisaddan ayaa u dhaxeysa dalalka Ethiopia, Eritrea iyo Jabuuti, hase yeeshee waxaa qeyb ka ah dalalka Khaliijka ee Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga.

Sida ay Xoghoose.com u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa socdaalkii uu 16-kii bishii March ku tagay Muqdisho waxa uu dowladda Soomaaliya uga digay inaysan marnaba aaminin Ethiopia iyo Eritrea, oo aan dooneyn in Soomaaliya ay xasilooni hesho.

Geelle ayaa sidoo kale arrintan si dadban ugu sheegay xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya oo khudbad uu u jeediyey, isaga oo ku booriyey inay difaacaan danaha dalkooda iyo dadkooda, ayna la xisaabtamaan xukuumadda.

Eritrea ayaa Iyana tallaabo u muuqatay mid ay ku xumeeneyso dowladda Soomaaliya waxay wasiirkeeda arrimaha dibedda Cusmaan Salaax Maxamed  ay 18-kii march ugu dirtay Hargeysa, taasi oo ka carreysiisay Villa Somalia.

Safarkan Cusmaan Saalax, ayaa la sheegay inuu ahaa mid Eritrea ay farriin ugu direysay Villa Somalia, ugana jawaabeysay kan Geelle ee Muqdisho,

Tallaabada Eritrea ayaa dhalisay in dowladda Soomaaliya ay ashtako u dirto Asmara, waxaana Eritrea ay 6-dii bishan April wasiirkeeda arrimaha dibedda ay usoo dirtay Muqdisho, si uu ula hadlo madaxda Villa Somalia.

Jabuuti ayaa dareemeysa in isku soo dhowaanshaha Eritrea iyo Ethiopia ay halis ku tahay, waxayna garab ka la’dahay dowladda Soomaaliya oo u muuqata mid aad u danaynaysa isbaheysi ay la samaysato Eritrea iyo Ethiopia intii ay ka xulufaysan lahayd Jabuuti.

Ethiopia ayaaa sanado badan waxaa 95% badeecadaheeda ay kasoo degsan jirtay dekedda Jabuuti, hase yeeshee Ethiopia oo sanadii tagtay la heshiisay Eritrea ayaa qeyb ahaan adeegsan doonto dekedda Casab ee Eritrea, taasi oo halis dhaqaale ku ah Jabuuti.

Eritrea ayaa sidoo kale marti-gelisay saldhig milatari oo Sacuudiga uu leeyahay, waxaana dekedda Casab ee dalkaas hormarineysa shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta.

Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa labaduba ka go’an inay go’doomin dhaqaale geliyaan Soomaaliya iyo Jabuuti. Jabuuti ayaa lagu colaadinayaa inay ka baxday heshiiskii dekedda Doraleh ay kula wareegtay DP World, halka Soomaaliya ay dhibaato ku muteysaneyso inay la safatay Qatar.

Ayada oo ay jiraan arrimahan oo dhan ayaa dowladda Soomaaliya ay u muuqataa inaysan fahamsaneyn saaxiibkeeda dhabta ah, meesha ay dan ugu jirto iyo cidda ay aamini lahayd.

Like it? Share it!

Leave A Response