Xuska Maalinta Ciidanka Xoogga dalka oo Maanta ku beegan{AKHRISO}

by admin | Monday, Apr 12, 2021 | 306 views

Maanta ayaa waxaa ay ku beegan tahay sanad-guuradii 61aad ee Aas-Aaskii Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku beegneyd 960-kii, iyad aoo sanadkii labaad aan loo qaban munaasabad loogu dabaal-degayo.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeyay Sanadguurooda 61-aad oo ku beegan Maanta oo taarikhdu tahay 12 April 1.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka ayaa guud ahaan Ciidanka Xoogga dalka ugu hambalyeey munaasabada qiimaha badan ee aas aaska oo sanada jirsaday 61-sano .
General Odowaa Yuusuf Raage ayaa saraakiisha ,saraakiil xigeenada ,Dableyda, Alif leyda iyo waliba qoysaskooda ayaa hambayo u diray dabaal degi sanad guurada Ciidanka Xoogga dalka iyo sidoo kale guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Like it? Share it!

Leave A Response