YAAB: Koox Premier League Ka Ciyaarta Oo Eriday Tababaraheedii Oo Ka Qayb-galay Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Islaamka

by admin | Thursday, Oct 18, 2018 | 1040 views

Koox ka dhisan magaalada London oo ka ciyaarta horyaalka Premier League ayaa lagu qasbay inay shaqada ka joojiso tababaraheedii oo ka qayb-galay muddaharaad ay soo abaabuleen qoylaha garabka midi gee siyaasadda dalka Ingiriiska, kuwaas oo socod ku maray qaybo ka mid ah magaalada.

Mark Phillis oo ahaa tababaraha kooxda dhallinyarada ee West Ham United, ayaa Sabtidii bartiisa bulshada ku baahiyey sawir muujinaya inuu ka qayb-galay mudaharaad ay iskugu soo baxeen boqollaal qof oo ka dhacay badhtamah magaalada London.

Mudaharaadkan oo ay soo abaabuleen kooxda lagu magacaabo Democcratic Football Lads Alliance, ayaa waxay kaga soo horjeedeen islaamiyiinta xagjirka ah ee kusoo laabanaya UK iyagoo kasoo dagaallamay Syria, amaba qaab qoxootinimo ku imanaya Britain.

Mudaharaadkan oo markii dambe isku rogay rabshado ayaa waxa la sheegay in hal qof la xidhay, hase yeeshee dhacdada cajiibka ah ayaa waxay ahayd markii uu mudaharaadeyaasha kasoo dhex muuqday Phillips oo layliya da’yarta West Ham, kaas oo inkasta oo aan la sheegin qodob sharci uu u diidaya amaba uu jabiyey, haddana ay kooxdiisu markiiba kasoo saartay go’aan ay shaqada kaga caydhisay.

War-saxaafadeed kasoo baxay kooxdan ka dhisan magaalada London, ayaa waxa lagu yidhi: “Wax dulqaad ah uma lihin siyaasad nooc kasta oo ay tahay sida rabshad ama dhaqan aflagaaaddo ah. Waxa aanu sii wadi doonaa inaanu ilaalino qiyamka iyo ixtiraamka, waxaananu kusii adkaysan doonaa in qof kasta oo xubin ka ah qoyska West Ham uu dareemo badqab, ixtiraam iyo ka mid-ahaansho.”

La Wadaag Asxaabtaada:
FacebookTwitterPinterestLinkedInEmail

2 FEKRADOOD AYAA LAGA DHIIBTAY WARBIXINTAAN

beerdilaacshe says:
18-10-2018 AT 9:45 AM
Waa lohelay runti

REPLY
Mohammed Zaky says:
18-10-2018 AT 9:38 AM
waan soo dhawaynayaa go’aankaa geesinamada leh ee ay ka qaateen tababaraha kooxda west Ham utd ee ay shaqadii kaga caydhisay falalka ku lidiga ah diinta islaamka iyo guud ahaan siyaada ka caagan sportska

REPLY
Aragti Ka Dhiibo

Halkaan hoose ku qor aragtidaada

Name *

Email *

Website

Notify me of follow-up comments by email.

Notify me of new posts by email.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

WARARKA UGU AKHRISKA BADAN

Hanbadaydii Ayaad Dhulka Dhigtay Ee Ku Soo Biir Aduunkayga- Floyd Mayweather Oo Xaqiiq Ka Dhigay Dagaal Dhex Mara Khabib Nurmagomedov Iyo Lacagta Uu Balan Qaaday In Uu Ka Heli Doono.
Eric Dier Oo Daboolka Ka Qaaday Hadalladii Ay Isdhaafsadeen Sergio Ramos Kaddib Dhacdadii Halyeyga Ay Ugu Aqoonsadeen Jamaahiirta Liverpool
Khabib Nurmagomedov Oo Lagula Taliyey In Aanu Naftiisa Halis Gelinin, Kana Fogaado Inuu La Feedhtamo Floyd Mayweather
Khabib Nurmagomedov Oo Loo Soo Bandhigay 15 Milyan Doolar Si Uu Dagaal Ku Celis Ah U La Galo Conor McGregor Iyo Adeerkiis Oo Ka Jawaabay

 

Like it? Share it!

Leave A Response