Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Ciidanka milatariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab, ayaa howlgal qorsheesan ka fuliyay deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud, halkaas oo fariisimo ku lahaayeen dagaalyahanno katirsan Al Shabaab. Taliyaha Guutada 16-aad Ciidanka kumaandooska Danab XDS G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare ayaa warbaahinta dowladda u sheegay...

Laamaha amaanka ee dalka Kenya ayaa magaalada Gaarisa ku qabtay labo nin oo ajaaniib ah xilli ay u socdeen in ay ku biiraan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. ⓘ Saraakiisha ayaa sheegay in labadan nin oo u dhashay Tanzania oo lagu kala magacaabo, Cabdiraxmaan Shaffi Mkwatili, 25 jir ah iyo Sadam Jafari Kitia, 30 jir ah la qabtay Arbacadii, July 12,...

Xubno ka mid ah dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab ayaa Xalay saqdii dhexe weerar khasaare dhimasho iyo dhaawac leh geystay ku qaaday degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho. ⓘ Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen bar koontarool oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Deyniile. Xubnaha dagaalamayaasha...

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ICC loosoo gaabiyo ayaa ku dhawaaqday in ay baaris xooggan ka furtay tacadiga ka dhacay Jamhuuriyadda Suudaan ee salkiisu yahay dagaalka u dhaxeeya labada Janan ee lagu kala magacaabo Cabdifitaax Alburhaan & Maxamed Daqlo. ICC ayaa sheegtay in bog cusub oo lagu diiwaangelinayo xadgudubyada ka dhacay Jamhuuriyadda Suudaan furtay...

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ahayd ahna Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyay muhiimadda uu lahaa Shirkii wadatashiga ee Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud uu la qaatay Madaxdii hore ee Dalka & siyaasiyiinta qaarkood si loo eego qodobo badan. Gaas ayaa tilmaamay in si niyad-sami...

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa xaanshi u diray Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin taas oo salkeedu tahay in aanay Ruushku ku qancin joojinta hindisaha dibadda loogu dhoofiyo Sarreenka. Guterres ayaa si cad u sheegay in haddii markale ay dhacdo in duullaanka Ruushka uu saameyn taban ku reebo Sarreenka la dhoofiyo ay noqon doonto dhibaato kale...

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo la hadlay Mas’uuliyiin katirsan Degmooyinka Gobolkaan ayaa uga digay in wax lala wadaago ‘AS’. Yabooh ayaa sheegay in mas’uulkii lagu ogaado in uu wax la wadaago ‘AS’ lasoo qaban doonno lana horgeyn doonno caddaaladda si loogu ciqaabo waxa uu mudan yahay,...

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ku wajahan deegaannadda dhowaan weerarrada ay ka geysatay ‘AS’ ee xiga Xadka Dalkaas uu la wadaago Soomaaliya si uu ula kulmo dadka deegaannadaas. Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, safarka Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale waa mid uu u kuurgalayo xaaladda Amniga, sidoo kale kula kulmayo Dadka...

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku eedeeyay hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Joseph Kabila, in uu gabbaad siiyay maleeshiyada Daacish, una ogolaaday in ay ka faa’iideystaan macdanta iyo alwaaxda, ayna dhaqaalaha ay ka heleen u adeegsadeen inay ku dhisaan awooddooda. Jabhad horey fadhigeedu u ahaa Uganda, Allied Democratic Forces...

Hal qof ayaa ku dhintay 3 kalena way ku dhaawacmeen dagaal Khamiistii laba beelood ku dhexmaray deegaanka Dhaalmaygaag ee gobolka Togdheer ee Somaliland. Dagaalka oo ka dhacay deegaanka Dhaalmaygaag oo u dhexeeya degmooyinka Horufadhi iyo Qorulugud, ayaa qarxay kadib markii mid kamid ah beelaha deegaanku ay dooneen in ay qotaan barkad kadibna ay beel kale kasoo horjeedsatay. Gabadh...