Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

wararka naga soo garaya magaalada baladweyen ayaa shegaya  in magaaladas  ay jiraan mootooyin  lagu kala dhacay   gudaha magaalada taas oo kentay in uu istaago isu so socdkii gaadiidka . mid ka mid darawaliinta  ayaa warbaahinta u shegay in ay soo baxeen ciidamo kulabisan deriiska  dowlada oo bilaabay in dhacaan mootooyinka  . sidoo kale  magaalada baladweyene ...

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in maalinta berri 19/07/2020, dib loo bilaabi doono gar-maqalada dacwadaha madaniga oo in muddo ah hakad ku jiray xanuunka Covid-19 dartiis. Waxaa uu sheegay in Garsoorka iyo bulshada loo adeegayaba  laga rabo taxadar iyo feejignaan dheeri ah soo ilaaliyo bedqabka shaqaalaha iyo bulshada loona...

Iran ayaa waxa ay xiriir qarsoodi ah la sameysatay kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya si loo dhaawaco danaha Mareykanka, waxaa sidaas weriyey wargeyska Mareykanka ee Foreign Policy. Ayada oo raaceysay naqshaddii Ruushka ee Afghanistan, ayaa Tehran waxay Al-Shabaab u adeegsaneysaa inay ku weerarto militariga Mareykanka iyo ciidamada kale ee Reer Galbeedka ah ee jooga Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta booqasho lama filaan ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweyneaha dalkaasi Isaias Afwerki. Abiy Ahmed ayaa wadahadalo la leh madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki caasimada dalkaasi ee Asmara, waxa ayna ka wada hadlayaan dadaal lagu riixo howsha iskaashiga labada...

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Cadaado, soo dhaweyn heer sare ah ayaana loogu sameeyay. Axmed Madoobe ayaa saddex maalmood ku sugnaa magaalada Garowe halkaas oo uu uga qeyb galay aaskii madaxweynahii hore Puntland (Maxamed Cabdi Xaashi ) iyo Ra’iisul Wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Abshir Faarax. Safarka uu...

Jarmalka ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo cuna qabateynta hubka ee Libya, kadib hanjabaadihii ugu dambeeyay ee madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ee hubeeynta qaar ka mid ah qabiilooyinka Liibiya, kuwaa oo kasoo horjeedda Dowladda Caalamka ee la aqoonsan yahay. Isagoo ka hadlayey warkii kasoo baxayay Berlin, Christofer Burger, oo ah ku xigeenka...

Xudeyfa Daa’uud Yuusuf Ibraahim ayay Maxkamadda Ciidamada ku xuntahay 15 Sano oo Xabsi Ciidan ah. 25-kii November Sanadkii tegay ayaa lagu qabtay isaga oo ku xiray Qarax gaari markii dambe Isgoyska Zoobe ku qurxay, lamana soo warin qasaara Nafeed marka laga tago gubashada Gaariga. Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida...

Warar ka imaanaya Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus oo foolka fool ah halkaasi ku dhexe marey Dagaal yahanada Alshabaab iyo ciidamo faracsiis ah. Dagaalka ayaa bilowdey kadib markii ay duleedka degamada Jilib kadegeen 3 Dayaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca kuwaas oo ciidamo aad u hubeysan kudaadiyey halkaasi ciidankaasi oo weerer lug...

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal,kuwaas oo ka yimid dhinaca Magaalada Dhuuamareeb ee Caasimadda Galmudug. Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Xubno kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada,...

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan u dhexeeyey madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka aha ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo xalay ka dhacay gudaha xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay shirka Dhuusamareeb ka dhacaya...