Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Booliska Dalka Itoobiya ayaa soo bandhigay Hub farabadan oo sharci darro lagu gelinayay gudaha dalka Itoobiya sida ay sheegeen laamaha amniga dalkaas. Hubkan oo ay Booliska ku sheegeen 350 Baskooladood ayaa waxaa ay ku qabteen tuulada Awrora village, Degmada Tsegedie woreda  ee Gobolka Ismaamulka Tigray . Kabtan Eshete Awoke oo ah madaxa ciidanka amaanka ee Gobolka ayaa...

Dowladda Kenya ayaa xukun 2 Sano ah ku ridday shan Soomaali ah,waxaa kale oo Maxkamadda ay shantaas qof ku xukuntay in dib loogu celiyo Dalkooda. Shanta qof ayaa ku muteystay xukunka Labada sano ee xabsiga ah in ay si sharci darro ah ku joogeen Kenya,sidaas darteedna ay muteysteen labo sano oo xarig ah. Magacyada shanta qof ee Soomaalida ah ayaa kala ah; Fatuma Shukri,...

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tuka-Raq ayaa sheegay in Puntland diyaar u tahay in ay difaacato dhulkeeda. Wuxuu sheegey in Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha maamulka Soomaaliland uga digayo sida uu hadalka u dhigay weerarka uu ku hayo deegaannada Puntland. ‘’Waxaan...

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa sheegay dhawaqyadii xalay laga maqlay magaalada Muqdisho in ay ahaayeen baco lagu shubay baaruuda qaraxda, oo ah kuwa macmal ah. Dadka reer Muqdisho ayaa xalay si wayn u maqlay dhawaqyada wax u eg madaafiic oo magaalada ku soo dhacay, degmooyinka Hodan, Hawlwadaag, Xamar Weyne, Xamar...

Duufaan xoog leh oo loo bixiyay ONE ayaa ka soo kacaysa waqooyiga badwaynta Hindiya waxaana la filaya in ay saamayn doonto inta badan gobollada Jamhuuriya iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo Puntland 24 ilaa 48 saac ee foodda inagu soo haysa, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee FAO. Duufaantan ayaa lagu wadaa...

Daah Furka Ceelal Laqoday oo Maanta Lago Wareejinaayay Shirkadaha Qaabilsan Biyaha Baydhabo ee Wazaarada KGS, ...

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xarigga ka Jaray dhisme laba dabaq ka kooban oo loo baneeyey wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo uu weheliyo masaajid dhawr dabaq ah oo isla xarunta wasaaradda ku dhexyaalla, kaas oo loogu talo galay dadka musallinta ah. Munaasibad ballaadhan oo xariga lagaga jaray maanta dhismahan cusub ay yeelan doonto...

Wasiirka Amniga Soomaaliya maxamed Abuukar Islow Ducaale oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa Ciidamada Amaanka dalka ku amray in ay gacanta ku soo dhigaan kooxaha Dilalka qorsheysan ka geystaan magaalada Caasimada Muqdisho,isagoona sheegay inaan marnaba la aqbali Karin in dilal ay ka dhacaan Magaalada muqdisho. Sidoo kale Wasiir  islow ayaa waxa uu sheegay in ka hor sugida...

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un kula kulmi doona Singapore 12 bisha June,sida uu sheegay madaxwayne Trump. “Waxa aan labadeenaba isku dayi doonaa in uu noqdo kulan gaar ah oo jawi nabadeed u horseeda caalamka!” ayuu bartiisa Tweetar-ka ku soo qoray Mr Trump. Bishii March, Mr Trump ayaa caalamka ka yaabiyay ka dib...

Rag hubeysan oo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa xalay weerar waxa ay ku qaadeen guriga mid ka mid ah Saraakiisha Hay’adda Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA oo ku yaalla degmada Wadajir. Sarkaalkan oo ka gaabsaday in magaciisa uu ka sheego warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in gurigiisa uu ka maqnaa markii uu weerarka dhacayay, bartilmaameedkana uu isaga...