Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa wali ka war dhowraya halka ay ku maqan tahay lacag aad u farabadan oo baarlamaanka soomaaliya loo arruurin jiray,isla markaana laga doonayo in guddoomiyaha uu baaritaan ku sameeyo. Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo si hoose inoola hadlay ayaa waxay sheegeen ineysan wali war ka heyn halka ay lacagtaasi ku baxday kuna dheeraatay...

Madaxweyne Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare Oo Soo gaba gabeeyay Safarkiisa Beydhabo kaddib Markii uu halkaasi kaga Soo Qeyb galay Shirka Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada, ayaa Maanta Soo Gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho ay Ku Soo Dhoweeyeen Mas’uuliyiin kale duwan. Madaxweynaha Oo Qeybta Nasashada...

Saacado kooban ayaa naga xiga maalinta sida weyn loo wada sugayo ee arooska sanadka loogu magac daray, taasoo ah maalinta Amiir Harry oo ka tirsan boqortooyada Ingiriiska uu guursan doono Meghan Markle oo ah hawaaneey u dhalatay Mareykanka, arooska oo ka dhici doona Windsor, ayaa ku beegan 19 bishan. Amiir Harry waxaa ayeeyo u ah boqorada Ingiriiska, waxaana  dhalay...

Madaxweyne Donald Trump ayaa iskudayay in sidiisii uu ku soo celiyo shirka uu la yeelanayo Kim Jong Un, isagoo u ballan qaaday hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi inuu helayo ammaan haddii uu isaga haro hubka nukliyeerka ah. 2003, hogaamiyihii Liibiya, Mucamar Qaddaafi, ayaa waxa uu ogolaaday inuu isaga joojiyo barnaamijkii nukliyeerka ee uu waday hasayeeshee sanado kaddib ayaa...

Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa looga hadlay Dagaaladda maalmihii la soo dhaafay ka soo cusboonaaday Degaanka Tukaraq, wax ka qabashada fatahaadaha ay sameeyeen wabiyada dalka iyo sidoo kale dardar gelinta howlaha kalfadhigan iyo kan xiga horyaala golaha...

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ayaa sheegaya in xalay Qarax xoogan laga maqlay Maglaada xili dadka ay isu diyaarinayeen Salaada Taraawiixda. Qaraxa oo ahaa Bambada Nooca Gacanta laga tuuro, ayaa lala eegtay Maqaaxi ku taala Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Baydhabo, Iyadoo jugta Qaraxa laga maqlay inta abdan Xaafadagha Magaalada, Qaraxa...

Hayadda culumada Soomaaliyeed ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxay shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda muslinka ah guud ahaan ugu tahniyadaynaysay bilashada bisha Ramadaan ee barakaysan Waxay sheegtay Hay’addu in Bisha Ramadaan ay tahay bishii sabarka iyo naxariista, waxaana ay ku baaqayday in si deg deg ah loo joojiyo colaadda Tukaraq, ilaahayna looga baqo dhiigga...

Maamulka iyo shaqaalaha shabakada Reegaay.com  waxay halkan hambalyo ku saabsan bisha barakeysan ee Ramadaan u dirayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay aduunka ka joogan. SHabakada Reegaay.com waxay ummadda muslimiinta ah u rajaynaysaa in uu ilaahay bishan inooga dhigo mid aynu ku dhamaysano nabadgalyo, cibaado suuban iyo akhlaaq wanaagsan, Ilaahay ha inooga dhigo...

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Hawlwadaag, Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa qof dumar ah wuxuu ku dilay degmadaasi, gaar ahaan xaafadda Ceel-hindi. Dhacdada dilka ayaa timid kadib markii xalay Magaalada Muqdisho laga maqlay dhawaqa wax u eg hoobiyeyaal inkastoo markii dambe dowladda ay sheegtay inay ahaayeen baco qaraxyo dheemish ah lagu soo...