Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Ibraahim Mahad Alle ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka Galmudug in uu xaqiraad ku haayo qaar ka mid ah beellaha Galmudug. Waxaa uu sheegay in Galmudug aysan ka qeyb qaadan dhammaan howlgalladii ka socday deegaanka Webxo ee gobolka Galgaduud. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Qoorqoor in uu maalinwalba...

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xalay Howgal ka sameeyey xaafadaha Magaalada Baydhabo. Xaafadaha Ciidanka howgalka ka sameeyeen ayaa kala ah Isha, Bardaale, Horseed,Holwadaag iyo laamahooda kala duwana xaafadahaas. Howlgalka Oo ahaa mid lagu sugaayey amniga guud Ee Xaafadaha Magaalada Baydhabo ayaa lagu soo qabqabtay dhalinyaro...

Golaha Ammaanka QM ayaa Khamiistii sanad dheeri ah ku daray cunaqabtaynta hubka ee saaran Soomaaliya, xilli dowladda federaalka ay dadaal u gashay in la qaado, si ay taas uga caawiso dagaalka lagu jiray Al-Shabaab. Golaha ayaa isku raacay qaraarka 2662 (2022), waxaana taageeray 11 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka, mana jirin dal diiday. Waxaana ka maqnaa afar...

Dowladda Canada ayaa billawday in ay ku dhaqaaqdo qorshaha ay ku masaafurineyso ku dhawaad 400 oo Dhalinyaro Soomaali ah oo Dalkaas ku gashay Baasaboorka waddamada deriska la ah Soomaaliya. Canada ayaa sheegtay in dhalinyaradaas aanay ahayn Soomaali maadaama ay ku galeen Baasaboorka waddamo kale sidaas awgeed ay ku qasban tahay in ay masaafuriso oo dib ugu celiso waddamada...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddoonnada Baarlamaanka Dowlad-goboleedyada dalka ee ka qeyb-galay furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey Baarlamaanka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed in ay xoojiyaan wada-shaqeynta...

Wasiirka Wasaaradda Kallumaysiga iyo khayraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Adan ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay mudane Sayed Alqasiir oo ah wasiirka Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Kallumaysiga Dowladda aan walaalaha nahay ee Masar. Wasiirka Beeraha Masar Mudane AlQassir oo soo dhoweeyay kulankan ayaa sheegay in Masar iyo...

Golaha Ammaanka QM ayaa isbeddel weyn ku sameeyey cunaqabataynat hubka ee saaran Soomaaliya, xilli dowladda federaalka ay isku dayeyso inay dalka ka xoreyso Al-Shabaab oo hub badan ay u baahan tahay. Golaha ayaa isku raacay qaraarka 2662 (2022), oo hal sano oo dheeraad ah ku kordhiyey cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu ku daray qodob ogolaanaya...

Marka laga reebo dhowr tuullo oo aad u yar oo ciidamada ay qabsadeen dagaal la’aan maalmihii, waxaa isataagay dagaalladii xoogganaa ee Al-Shabaab looga xoreyn lahaa dalka, ayada oo aan la garaneyn sababta. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dib uga baxay degaanno kala duwan oo laga qabsaday kooxaha Al-Shabaab, oo uu ugu dambeeyey deegaanka muhiimka...

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe), ayaa Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay wafdi ka socday AFRICOM, kuwaas oo maanta gaaray halkaas. Wasiirka ayaa wafdiga gaaray Dhuusamareeb la yeeshay kulan, waxaana looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin in ay iska kaashadaan la dagaalanka Ururka Al-Shabaab iyo howlgallada ka...

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed shire Bukhaari ayaa sheegay in amniga guud ee gobolka Mudug ay duulaan ku yihiin Saddex kooxood oo isbaheystay, kuwaas oo uu sheegay inay dhibaato ku yihiin amniga gobolka. Guddoomiyaha oo ka hadlayay kulan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in dhibaatada amni darro ee kajira Gobolka mudug ay sabab...