Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu kulan isbarasho iyo soo dhaweyn ah la qaatay danjiraha cusub ee dalka Imaaraadka Carabta Amb. Ahmed Jumah Alromaith. Safiirka cusub ee dalka Imaaraadka Carabta oo Guddoomiyaha salaan uga siday shacabka iyo dowladda Imaaraadka ayaa sheegay in...

Kooxo hubeysan ayaa Degmadda Wadajir gaar ahaan Waaxda Tima Cade ku dilay Marxuum Maxamed Xuseen Sebriye oo ku Magac dheer Guuleyste, kaas oo kamid ahaa musharrixiinta u tartamay kursiga hop#33 oo uu kusoo baxay Xildhibaan Yuusuf Kabaale. Goobjoogayaal ayaa Risaala u sheegay in rag ku hubeysnaa bustoolado ay dilka geysteen, hayeeshee ay goobta soo gaareen qaar kamid ah...

Hoggaanka sare ee TPLF ayaa sheegay in keliya hubka ay dhigi karaan marka si rasmi ah loo damaanad qaado in ammaanka Dadka dega Gobolka dhaca Waqooyiga Itoobiya ee Tigray sida hadalka ay u dhigeen. TPLF ayaa sheegtay in ay difaac u tahay Shacabka sidaas awgeed si loo dhaqangeliyo heshiisyadii ka dhacay Koofur Afrika & Kenya loo baahan yahay in damaanad-qaad buuxda...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Norway ayaa taageertay howlgallada ka dhanka ah AS kaddib markii kulan ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta Jaaliyaddaas oo ka dhacay Magaalada Oslo Caasimadda Dalkaas. Waxa ay Jaaliyaddu ballanqaaday in ay taageereyso howlgallada looga soo horjeedo AS iyada oo sheegtay in ay garab taagan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu ogolaaday in si cusub looga wada xaajoodo arrimaha awood-qeybsiga federaalka, sida ay sheegayaan illo wareedyo lagu kalsoonyahay. Wadahadaladan oo lala furey dowlad goboleedyada ayaa waxaa hadda ay marayaan wejigii koowaad, iyada oo dowlad goboleed kasta uu u saaray guddi wasiirro ah oo soo dhiraandhiriya aragtidooda ku aaddan...

Magaalada Dooxa Caasimadda Dalka Qatar oo Fiidkii Axadda 20ka November 2022 laga daah-furay Koobka Adduunka oo dhanka kale fursad u ahayd in ay isku arkaan Madax kala duwan oo lagu martiqaaday. Amiirka Qatar ayaa kulansiiyay Madaxweynayaasha Turkiga Recep Tayyip Erdogan & Masar Cabdifitaax Al-Sisi, sidaas oo kale waxaa is arkay Erdogan, Dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed...

Kadib shir dib u heshiisiin ah oo maalmihii la soo dhaafay ka socday degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa heshiis horudhac ah la kaal dehx-dhigay labadii maleeshiyo Beeleed eek u dagaalamay degaannada hoostaga degmada Cadalle. Shirarka oo ay goobjoog ka ahaayeen Odayaasha Dhaanka labada Beeleed, Imaamka iyo Ugaaska Beesha Mudulood iyo mas;uuliyiin ka...

Magaalada Doxa ee caasimadda Qadar, waxaa soo baxayay sanadkan 2022 muuqaallo xiiso leh oo isugu jira garoomo, waddooyiin iyo dhismooyiin qurux badan. Tan iyo markii dalka Qadar ay ku guuleysteen martigalinta Koobka Kubadda Cagta Adduunka, waxaa isa soo tarayay muuqaalada xiisaha leh ee ka imanaya dalkan yar. Qarni ka hor, 1922, dalkan yar ee Khaliijka oo ay ku nool yihiin...

Ciidanka Booliska Puntland ayaa hawlgal qorsheysan xalay ku qaaday kooxo ka Ganacsanayay maandooriye, kuwaas oo Boolisku sheegeen inay faraha kula jireen dambiyo culus oo la xiriira ka ganacsiga daroogada oo qeyb wayn ka ahaa falal burcadnimo iyo Amni darro oo muddooyinkii la soo dhaafay ka jiray magaalo madaxda Puntland ee Garoowe. War kasoo baxay Booliska Puntland ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada udub dhexaadka u ah dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab, waxaana wafdiga Madaxweynaha halkaas kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeen ka Hirshabelle Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan,Xildhibaanno, Masuuliyiin ka tirsan maamulka...